Warbixin: Imaaraadka oo lagu eedeeyay inuu Uganda ku dhiirrigeliyey bixitaanka Soomaaliya.
Warbixin uu daabacay bogga Baraza Brief ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeysay inuu Uganda u ballanqaaday dhaqaale ku dhow 500 milyan oo dollar si ay ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas lagu xiriiriyey loollan ku saabsan mashaariicda Turkiga ee dalka.
Warbixinta oo soo xiganaysa ilo maxalli ah oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in Abu Dhabi ay Uganda u bandhigtay dhaqaale iyo maalgashi beddel u ah taageerada ay ka hesho howlgalka Soomaaliya. Hase yeeshee, eedeymahan si madax-bannaan looma xaqiijin.
Uganda ayaa Soomaaliya ciidamo u dirtay bishii Maarso 2007, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyey ee qeyb ka noqda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa horay u sheegay in ciidamadu baxayaan Agoosto 2027, balse bayaankii militariga ee 2-dii November ayaa bixitaanka guud u qabtay dhammaadka 2027.
Afhayeenka militariga Uganda, Gaashaanle Sare Chris Magezi, ayaa sheegay in marka hore la soo celinayo ciidamada ku jooga heshiiska labada dal, halka kuwa AUSSOM ay si tartiib ah uga bixi doonaan Soomaaliya.
Baraza Brief ayaa sheegtay in qorshaha Imaaraadka ee la tuhunsan yahay uu la xiriiri karo mashaariicda waaweyn ee Turkiga ka fulinayo Soomaaliya, gaar ahaan sahanka iyo qodista shidaalka badda iyo qorshaha xarunta hawada sare ee laga dhisayo agagaarka Warsheekh.
Bixitaanka Uganda ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli AUSSOM ay wajahday dhaqaale yari iyo hubanti la’aan ku saabsan taageerada saadka ee Qaramada Midoobay. Warbixin ay Reuters hore u baahisay ayaa muujisay walaac laga qabo in bixitaanka ciidamada Uganda uu deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose u nugleeyo weerarrada Al-Shabaab.
Si kastaba, weli ma jiro xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa in Imaaraadku dhaqaale ku bixiyey go’aanka Uganda ama in bixitaanka ciidamada uu qeyb ka yahay qorshe lagu carqaladeynayo mashaariicda Turkiga ee Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 281 words · 1 min read
- Published
- November 8, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir