Mareykanka oo dib u bilaabaya taageerada howlgalka AU-da ee Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay dib u cusbooneysiiso taageerada ay siiso howlgalada milatari ee caalamiga ah ee Soomaaliya, sida ay Axaddii wakaaladda wararka AFP u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, taas oo ka dhigan inay dib uga laabatay go’aan hore oo halis gelinayay sii socoshada howlgalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Washington ayaa horay u joojisay maalgelintii ay siin jirtay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), oo door muhiim ah ka qaata saadka, gaadiidka iyo taageerada howlgalada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Mareykanku wuxuu sidoo kale xafiiskaas siiyay waqti ku eg dhammaadka sannadka 2027 si uu gebi ahaanba u soo afjaro shaqadiisa.
Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa muddo ku dhow labaatan sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, waxayna weli gacanta ku haysaa deegaanno ballaaran oo ka tirsan bartamaha dalka, inkastoo ay socdaan howlgallo militari oo ay iska kaashanayaan ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika.
Taageerada UNSOS ayaa muhiim u ah sii socoshada howlgalka Midowga Afrika, maadaama ay bixiso adeegyada saadka iyo taageerada farsamo ee ciidamada ka howlgala Soomaaliya.
Mareykanka ayaa horay u muujiyay walaac la xiriira horumar la’aanta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ah ee Soomaaliya, kuwaas oo uu ku sababeeyay go’aankii lagu hakiyay maalgelinta.
Hase yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Axaddii sheegtay in kaddib dib-u-eegis ay sameysay, dowladda Mareykanku ay go’aansatay inay taageerto muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo waajibaadka UNSOS iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Diblomaasi shisheeye oo arrimaha Soomaaliya kala shaqeeya dowladda ayaa AFP u sheegay in dib u soo laabashada taageerada Mareykanka ay tahay arrin soo dhoweyn leh, balse uu dhaliilay isbeddellada degdegga ah ee siyaasadda Washington.
Diblomaasiga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sidoo kale su’aal geliyay sababta Mareykanku uusan uga faa’iideysan taageerada cusub si uu cadaadis ugu saaro dowladda Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo cusub oo saameyn ku yeelan kara dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warbixinta AFP ayaa sidoo kale xustay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka la xiriira muddo kordhinta Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muranka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Dhanka kale, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa wajahaya caqabado amni, kaddib markii kooxda ay bishii hore sheegatay inay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay boqolaal askari oo ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas.
Maalmo kaddib, dowladda Uganda oo ciidamadeedu yihiin kuwa ugu badan ee ka qayb qaata howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ciidamadeeda oo dhan kala bixi doonto Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027.
Go’aanka Mareykanka ee dib loogu cusbooneysiinayo taageerada UNSOS iyo AUSSOM ayaa muhiim u ah mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso inay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.
Follow the story
About this article
- Length
- 472 words · 2 min read
- Published
- November 16, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir