Imaaraadka Carabta oo ka jawaabay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh.
La-taliyaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa dhaliil u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka ku dhex darayo loollanka gobolka. Gargash, oo qoraal ku baahiyay bartiisa X, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Soomaaliya lagu jiido khilaafaad goboleed, wuxuuna Xasan Sheekh oo […]
La-taliyaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa dhaliil u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka ku dhex darayo loollanka gobolka.
Gargash, oo qoraal ku baahiyay bartiisa X, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Soomaaliya lagu jiido khilaafaad goboleed, wuxuuna Xasan Sheekh oo uu ku tilmaamay madaxweyne waqtigiisu dhammaanayo ugu baaqay inuu ka fogaado arrimahaas oo uu mudnaanta siiyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hadallada iyo mowqifka Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Imaaraadka ay muujinayaan isbeddel ku yimid siyaasaddiisa, isaga oo su’aal geliyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo danta qaranka.
Gargash ayaa intaas ku daray in Imaaraadku garab taagnaa Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, isaga oo ka digay in loollanka awoodda siyaasadeed ee gudaha uu dalka ku jiido khilaafaad gobolka ka jira.
Waxa uu ku dooday in xiriirka Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka weyn yahay khilaafaadka siyaasadeed iyo danaha gaarka ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 164 words · 1 min read
- Published
- November 18, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir