Museveni oo Farmaajo la soo hadlay & Ugandha oo wafdi u direysa Garowe iyo Kismaayo
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa caawa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan ku sugan Muqdisho kana tirsan xubnjaha mucaaradka iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Wadahadalkan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in la isugu keeno dhinacyada siyaasadda ee isku haya hannaanka doorashooyinka iyo jihada uu dalka u wajahayo.
Sida xogta la helayo tilmaamayso, Museveni iyo Farmaajo ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda taagan, iyadoo ay muuqato in dadaallada Uganda ay qayb ka yihiin dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in wafdi ka socda Dowladda Uganda uu ku wajahan yahay magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo uu gaarsiin doono Madaxda Puntland iyo Jubbaland casuumaad ku saabsan shir wadahadal oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Wafdigan ayaa la filayaa inuu la kulmo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ka mid ah dhinacyada ay khilaafaadka siyaasadeed kala dhexeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dadaallada lagu doonayo in lagu helo is-afgarad siyaasadeed, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in Musaveni uu imanayo Muqdisho si uu u dhexdhexaadiyo madaxda DF iyo Mucaaradka.
Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Uganda ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Uganda ayaa muddo dheer saameyn ku lahayd arrimaha Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ay qeyb weyn ka yihiin howlgalada Midowga Afrika ee dalka, tan iyo sannadkii 2007-dii.
Madaxweynaha Uganda, Museveni, ayaa dhowr jeer ku baaqay in Soomaalidu ku xalliso khilaafaadkooda wadahadal, midnimo qaran iyo is-afgarad siyaasadeed.
Sidoo kale, kulankii uu maanta magaalada Entebbe kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Museveni wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadalka, dimuqraadiyadda iyo tartanka siyaasadeed ee nabadeed.
Haddii dadaallada Uganda ay miro-dhalaan, waxaa suuragal ah in la helo madal ay ku kulmaan Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda hore ee dalka.
Hase yeeshee, caqabadda ugu weyn ayaa ah in dhinacyadu isku fahmaan qaabka doorashada, cidda maamuleysa hannaanka doorashooyinka iyo dammaanadaha siyaasadeed ee lagu kalsoonaan karo.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in wadahadallada lagu gaaro heshiis cad oo ay dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin, si looga fogaado in khilaafka siyaasadeed uu saameeyo amniga, dowlad-dhiska iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Follow the story
About this article
- Length
- 407 words · 2 min read
- Published
- November 23, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir