Wiilka Musaveni oo soo saaray digniin dad badan ka fajacisay
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal muran dhaliyay ka soo saaray baraha bulshada, kaddib markii uu ku hanjabay inuu 100 jeedal ku ciqaabi doono nin kasta oo reer Uganda ah oo uu ka maqlo isagoo sheegaya inuu haweeney jecel yahay. Muhoozi oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada Sabtidii, 21-ka Nofeembar 2026, […]
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal muran dhaliyay ka soo saaray baraha bulshada, kaddib markii uu ku hanjabay inuu 100 jeedal ku ciqaabi doono nin kasta oo reer Uganda ah oo uu ka maqlo isagoo sheegaya inuu haweeney jecel yahay.
Muhoozi oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada Sabtidii, 21-ka Nofeembar 2026, ayaa sheegay inuu isagu shakhsi ahaan hubin doono in ciqaabtaasi lagu fuliyo ninka lagu helo hadalkaas.
Hadalka Jeneraalka ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sababta uu u beegsanayo ragga sheegta inay haween jecel yihiin, maadaama uusan qoraalkiisa ku faahfaahin sababta ku kalliftay hanjabaadda, sidoo kalena uusan magacaabin qof gaar ah oo uu farriintiisa ula jeeday.
Muhoozi ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Ninkii aan ka maqlo isagoo leh ‘waan jeclahay’ haweeney, waxaan siin doonaa 100 jeedal.”
Hadalkaasi ayaa si gaar ah u soo jiitay dareenka dadweynaha, maadaama uu ka yimid sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Uganda, kaas oo xilkiisa milatari uu siinayo mas’uuliyad weyn oo la xiriirta ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.
Qoraallada kale ee uu Muhoozi isla maalintaas soo dhigay ayaa muujinayay inuu hadalkiisa ku xiray aragti ah in waddaniyadda laga hormariyo jacaylka haweeneyda.
Wuxuu sheegay in ragga Uganda ay tahay inay dalkooda jeclaadaan, isagoo yiri: “Waa inaad Uganda jeclaataa, dalkeenna ayaa ka weyn haweeney.”
Hase yeeshee, Muhoozi ayaa markii dambe caddeeyay in hanjabaaddiisa ku saabsan 100-ka jeedal ay ahayd kaftan, isagoo ragga kula taliyay inay haweenkooda jeclaadaan, qiimeeyaan, una muujiyaan daryeel iyo kalgacal. Wuxuu tusaale u soo qaatay xaaskiisa Charlotte.
Jeneraal Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa caan ku ah qoraallo iyo hadallo marar badan muran ka dhaliya gudaha Uganda iyo dibaddeeda.
Wuxuu hore u soo saaray hanjabaado iyo hadallo adag oo ku saabsan dadka dhaliila qoyskiisa, gaar ahaan aabbihii Museveni, taas oo sii kordhisay doodaha ku saabsan hab-dhaqankiisa iyo sida uu u isticmaalo baraha bulshada.
Muhoozi ayaa sidoo kale hore u sheegay inuu qorsheynayo inuu xilka Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda ka dego bilaha soo socda, si uu noloshiisa ugu hibeeyo diinta Masiixiga, sida uu ku sheegay qoraal uu horay u baahiyay.
Hadalladiisa ayaa marar badan su’aalo ka dhaliya isku-darka awoodda milatari, siyaasadda iyo qoraallada shakhsiga ah ee uu ku baahiyo baraha bulshada, maadaama uu yahay taliyaha ciidamada dalka, isla markaana ah wiilka madaxweynaha talada haya.
Follow the story
About this article
- Length
- 373 words · 2 min read
- Published
- November 23, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir