Mareykanka oo damaanad qaadaya amniga Qatar xilli amniga gobolku sii xumaanayo.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa magaalada Washington ku yeeshay wareeggii siddeedaad ee wadahadallada istiraatiijiga ah ee labada dal.
Kulanka oo qabsoomay 23-kii November 2026 ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga difaaca iyo amniga, maalgashiga, iyo xaaladaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo caalamka, oo ay Soomaaliya ku jirto.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, la-dagaallanka argagixisada iyo wadaagista xogaha sirdoonka. Sidoo kale, waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Dhanka difaaca, Mareykanka iyo Qatar ayaa ka wada hadlay heshiis iskaashi difaac oo gaaraya $38 bilyan, kaas oo diiradda saaraya xoojinta awoodda difaaca cirka iyo gantaallada Qatar, tababarro ciidan iyo iskaashi dhinaca hubka ah.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladaha Soomaaliya, Gaza, Iran, Suuriya iyo dalal kale, iyadoo labada dowladood ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan iskaashiga diblomaasiyadeed iyo xasilloonida gobolka.
Labada dal ayaa sidoo kale saxiixay heshiis qaab-dhismeed iskaashi oo ku saabsan macdanta muhiimka ah, iyagoo isla qiray muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka waxbarashada, tiknoolajiyadda iyo tamarta.
Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka iyo Qatar ay isu diyaarinayaan sannadka 2027 inay u dabaaldegaan 55 sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 209 words · 1 min read
- Published
- November 24, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir