Musaveni oo aqbalay inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo booqasho maalin ah ku tagay Kambala ayaa isku raacay in Musaveni uu booqasho ku yimaado Somalia.
Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Museveni u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo Soomaaliya, taasoo Madaxweynaha Uganda uu si wanaagsan u aqbalay. Labada dhinac ayaa sheegay in waqtiga booqashada lagu go’aamin doono hannaan diblomaasiyadeed.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo doorka ciidamada Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Waxay ugu baaqeen AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay kordhiyaan gulufka milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in howlgalka Midowga Afrika la siiyo dhaqaale ku filan, joogto ah oo la saadaalin karo.
Sidoo kale, labada madaxweyne ayaa ku baaqay in la helo hannaan kale oo dhaqaale loogu maalgeliyo ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, kuwaas oo qayb ka ah heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Kampala.
Wada-hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Uganda ee UPDF ay bilaabeen qorshe ay Soomaaliya kaga baxayaan, kaas oo loo fulinayo wejiyo kala duwan, iyadoo la filayo in dhammaan ciidamada Uganda ay dalka ka baxaan dhammaadka sannadka 2027.
Uganda ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyadoo door weyn ku lahayd hawlgallada Midowga Afrika ee dalka tan iyo sannadkii 2007.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Uganda uga mahadceliyey taageerada ay muddada dheer ka geysanaysay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka, isaga oo si gaar ah u xusay naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujiyeen ciidamada Uganda.
Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu iskaashiga Muqdisho iyo Kampala u leeyahay amniga Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay socdaan dadaallo la xiriira mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo joogitaanka ciidamada Uganda ee dalka.
Follow the story
About this article
- Length
- 317 words · 2 min read
- Published
- November 24, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir