Xildhibaan Dayax oo Jaajuusnimo ku eedeeyey Guddoomiye Jaamac
Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), isaga oo ku eedeeyay inuu khatar ku yahay amniga, madax-bannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa eedeymahan ku baahiyay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, kaas oo uu si adag ugu dhaliilay Guddoomiye Jaamac, kuna sheegay inuu yahay shaqsi uu ku tilmaamay “jaajuus u shaqeeya dal shisheeye”.
Dayax Cumar ayaa qoraalkiisa ku muujiyay walaac uu ka qabo waxa uu ku sheegay qorshayaal uu Guddoomiyuhu dalka ka wado, isaga oo ka digay in haddii aan laga hortagin ay Soomaaliya wajihi karto xaalad uu ku tilmaamay mid halis gelin karta jiritaanka dowladnimada dalka.
“Jaamac TikTok, dalka khatarta ugu weyn adigaa ku ah. Waliba jaajuusnimo iyo si liidata ku shaqeeya! Haddii aan lagaa qaban dalka, meel aan dhaweyn baa Soomaaliya laga raadin doonaa,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Xildhibaan Dayax Cumar.
Eedeynta xildhibaanka ayaa si gaar ah u taabanaysa arrimo xasaasi ah oo la xiriira madax-bannaanida dalka iyo doorka mas’uuliyiinta sare ee dowladda, maadaama uu Guddoomiye Jaamac hayo xilka hoggaanka Golaha Shacabka, oo ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan nidaamka dowladnimada Soomaaliya.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa 10-kii Agoosto 2026 loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho. Doorashadaas ayuu kaga adkaaday musharraxii la tartamayay, Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), isagoo helay 142 cod.
Hadalkan Xildhibaan Dayax Cumar ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasadda Soomaaliya ay ka taagan yihiin dooddo iyo khilaafaad la xiriira hoggaanka hay’adaha dowladda, habsami-u-socodka howlaha baarlamaanka iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Dayax Cumar qoraalkiisa kuma uusan soo bandhigin faahfaahin ama caddeymo uu ku taageerayo eedeynta jaajuusnimada ee uu u jeediyay Guddoomiye Jaamac. Sidoo kale, qoraalka la baahiyay kuma jirin jawaab rasmi ah oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ka bixiyay eedeymaha loo jeediyay.
Eedeymaha noocan ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda isku jeedinayaan ayaa sare u qaadaya baahida loo qabo in khilaafaadka siyaasadeed lagu wajaho dood cad, isla-xisaabtan iyo hannaan sharci ah, gaar ahaan marka ay taabanayaan arrimaha amniga iyo madax-bannaanida qaranka.
Follow the story
About this article
- Length
- 343 words · 2 min read
- Published
- November 24, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir