Fahad Yaasiin oo dhaliil Siyaasadeed u jeediyey Saaxiibkiis hore Farmaajo
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), haatanna ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Federaalka, ayaa dhaliil kulul u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib markii uu soo dhoweeyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ee booqashada uu ku imaanayo Muqdisho. Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo […]
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), haatanna ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Federaalka, ayaa dhaliil kulul u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib markii uu soo dhoweeyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ee booqashada uu ku imaanayo Muqdisho.
Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo saaray ku su’aalay Farmaajo halka ay ka baxday wadaniyaddii iyo shisheeye-nacaybkii uu sheegay inay muddo dheer astaanta u ahaayeen siyaasaddiisa, isagoo xusay in taageeradii shacabka Soomaaliyeed ay Farmaajo ka heshay qayb weyn ay salka ku haysay mowqifkiisii ka dhanka ahaa Heshiiskii Kampala ee 2011-kii.
Wuxuu sheegay inay nasiib darro tahay in Farmaajo sannadka 2026 uu soo dhoweeyo waxa uu ku tilmaamay wejiga labaad ee Heshiiskii Kampala, isagoo tallaabadaas ku macneeyay mid ka hor imaanaysa mabaadi’dii siyaasadeed ee uu hore ugu caan baxay.
“Wadaniyadda waa mabaadi’ ee ma aha afkaar is rog-rogta oo hadba danta shakhsiga ah la jaanqaadda ama Aqalka Madaxtooyada lagu soo hilmaamo,” ayuu Fahad Yaasiin ku yiri qoraalkiisa.
Sidoo kale, wuxuu Farmaajo kula taliyay inuu ilaashado taariikhdiisa siyaasadeed, isagoo ku dooday in hoggaamiyaha siyaasadda ku waara uu yahay midka dhowra mabaadi’da iyo sumcadda uu ku leeyahay bulshada.
Dhaliisha Fahad Yaasiin ayaa timid kaddib markii Farmaajo uu soo dhoweeyay aqbalaadda Madaxweyne Museveni ee casuumaadda uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo la xiriirta booqasho rasmi ah oo uu hoggaamiyaha Uganda ku imaanayo Muqdisho.
Hadalka Fahad Yaasiin ayaa dib u soo nooleynaya doodda siyaasadeed ee ku saabsan Heshiiskii Kampala ee 2011-kii, xiriirka Soomaaliya iyo Uganda iyo kaalinta dalalka shisheeye ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Follow the story
About this article
- Length
- 261 words · 1 min read
- Published
- November 24, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir