Luuqad cusub oo lagu soo kordhiyay fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulamadiisa rasmiga ah ku soo kordhiyay adeegga turjumaadda luqadda dhagoolayaasha, si dadka maqalka la’ ay ula socdaan doodaha, khudbadaha iyo howlaha sharci-dejinta ee Baarlamaanka.
Adeeggan ayaa u suuragelinaya dadka maqalka la’ inay si toos ah ula socdaan waxa ka dhacaya kulamada Golaha Shacabka, iyadoo turjubaano ku takhasusay luqadda dhagoolayaasha ay hadallada Xildhibaannada iyo doodaha Baarlamaanka ugu gudbinayaan luqadda calaamadaha.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka macluumaadka iyo ka-qaybgalka bulshada ee howlaha hay’adaha dowladda, gaar ahaan dadka qaba naafonimada maqalka oo mararka qaar ay caqabado ka hor istaagaan inay helaan xogta iyo adeegyada bulshada inteeda kale ay heli karto.
Ku soo kordhinta adeeggan ayaa sidoo kale muhiim u ah xaqiijinta in dadka maqalka la’ aysan ka harin xogta la xiriirta go’aannada sharci-dejinta, doodaha siyaasadeed iyo howlaha kale ee Golaha Shacabka.
Dhanka kale, kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay buuxsami waayeen tirada Xildhibaannada looga baahnaa in kulanku ku furmo.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa Xildhibaannada ugu baaqay inay soo xaadiraan kulanka xiga oo loo ballansan yahay maalinta Sabtida.
Adeegga cusub ayaa noqonaya tallaabo lagu horumarinayo helitaanka xogta Baarlamaanka, iyadoo dadka maqalka la’ loo suuragelinayo inay si toos ah ula socdaan howlaha hay’adda ugu weyn ee sharci-dejinta dalka.
Follow the story
About this article
- Length
- 217 words · 1 min read
- Published
- November 25, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir