Xassan Shiikh oo oo kormeeray Wasaarada Beeraha Somalia (Sawirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, halkaas oo uu ku soo indha-indheeyay habsami u socodka howlaha wasaaradda iyo adeegyada ay u hayso bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashada kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo wakiillo ka socday beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda wax-soo-saarka beeraha, caqabadaha haysta beeraleyda iyo baahiyaha ay qabaan.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka dalagyada beeraha dalka, loona horumarin lahaa fursadaha ay beeraleydu ku heli karaan suuqyo ay ku iibiyaan wax-soo-saarkooda. Beeraleyda ayaa sidoo kale Madaxweynaha la wadaagay cabashooyinkooda iyo talooyin la xiriira sidii loo yareyn lahaa caqabadaha dhaqaale iyo kuwa ganacsi ee ay kala kulmaan wax-soo-saarka iyo suuq-geynta dalagyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa muujiyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay dhiirrigelinta ganacsiga iyo ilaalinta maalgashiga gaarka loo leeyahay, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga abuuro jawi ganacsi oo ammaan ah, hufan, isla markaana dhiirrigeliya ganacsatada iyo maalgashadayaasha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in si taxaddar leh la isugu dheellitiro sugidda amniga dalka iyo fududeynta isu-socodka ganacsiga, si aanay tallaabooyinka amniga u noqon caqabad hor istaagta dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka badeecadaha.
Booqashadan ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto horumarinta wax-soo-saarka gudaha, yaraynta ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno iyo xoojinta doorka beeraha ee dhaqaalaha dalka.
Beeruhu waxay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama ay shaqo iyo nolol-maalmeed siiyaan dad badan, isla markaana ay door weyn ka qaataan sugnaanta cuntada iyo horumarinta ganacsiga gudaha.
Kulanka Madaxweynaha iyo beeraleyda ayaa muhiimad gaar ah u leh dadaallada lagu doonayo in wax-soo-saarka beeraha laga dhigo mid kobca, beeraleydana loo abuuro fursado ay si wanaagsan uga faa’iideystaan dalagyada ay soo saaraan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Follow the story
About this article
- Length
- 316 words · 2 min read
- Published
- November 25, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir