War-murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen dowladda hoose ee Garoowe iyo shirkadaha korontada iyo biyaha
Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaaa war-murtiyeedkii ka soo saartay shir ay la yeelatay madaxda shirkadaha korontada iyo biyaha, kuwaas oo muddooyinkii…
Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaaa war-murtiyeedkii ka soo saartay shir ay la yeelatay madaxda shirkadaha korontada iyo biyaha, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ka cabanayeen qaar ka mid ah bulshada caasimadda.
Dowladda hoose ee Garoowe waxay sheegtay in shirkadaha biyaha iyo korontada ay kala hadashay qiimo dhimis lagu sameeyo adeegyadaas, taas oo ay xustay in la hirgelin doono bilowga sanadka cusub ee 2027.
Sidoo kale dowladda hoose ee Garoowe waxay tilmaantay in ay magacaabayso guddi xaqiiqo raalin ah oo qiimayn ku sameeya adeegyada biyaha iyo korontada caasimadda.
Kulankan wuxuu ku soo yimid, xilli qaar ka mid ah bulshada Garoowe ay sheegeen in ay maalinta jimcaha ah dhigayaan banaanbax ay ku muujinayaan cabashadooda ku aadan adeegyada aasaasiga ah ee korontada iyo biyaha.
**PUNTLAND POST **
Follow the story
About this article
- Length
- 124 words · 1 min read
- Published
- November 26, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost