Dowladda Faderaalka oo sharaxday sababta loo xiray garoonka diyaaradaha Baledwayne.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ka codsaday inay halkaas ka baxaan, kadib markii shirkadaha diyaaradaha ay walaac ka muujiyeen amniga garoonka, kaddib shaqaaqooyin toddobaadkii hore ka dhacay.
Wasiirka oo Arbacadii warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidku Talaadadii soo saartay ogeysiis duulimaad (NOTAM) oo la xiriira xaaladda garoonka, balse uu caddeeyay in tallaabadaasi aysan ka dhignayn in dowladda federaalku xirto garoonka.
“Garoonka Beledweyne dowladda federaalku ma xirin, culays kale oo ka jiraana ma jiro,” ayuu yiri wasiirku.
Nuux ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay wasaaradda la soo xiriireen, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda amni ee garoonka, kadib markii ciidamo ay gudaha u galeen, halkaasna ay maalmihii u dambeeyay ka dhaceen shaqaaqooyin.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay shirkadaha u ballanqaadday inay si dhow ula socon doonto xaaladda, isaga oo ciidamada ku sugan garoonka ugu baaqay inay ka baxaan, sidoo kalena siyaasiyiinta ka codsaday in aan garoonka loo adeegsan loollanka siyaasadeed.
“Waxaanu ka codsanaynaa ciidamada ku jira inay ka baxaan, waxaanu ka codsanaynaa siyaasiyiinta inaan loo isticmaalin adeegga bulshada oo garoonku kow ka yahay siyaasadda oo aan la ciidamayn,” ayuu yiri Nuux.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in garoonka diyaaradaha Beledweyne uu yahay adeeg bulsho oo muhiim u ah shacabka, isla markaana wasaaraddu diyaar u tahay inay dib u soo celiso duulimaadyadii caadiga ahaa marka xaaladda amni ay hagaagto, lana xalliyo walaaca shirkadaha diyaaradaha iyo rakaabka.
Xiisadda ka taagan garoonka Beledweyne ayaa timid kadib khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii Hirshabeelle ee 24-kii October, taas oo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe dib loogu doortay xilka madaxweynaha maamulka.
Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka horyimid hannaankii loo maray doorashada, waxaana khilaafkaasi uu saameyn ku yeeshay xaaladda amni iyo adeegyadii garoonka diyaaradaha Beledweyne.
Follow the story
About this article
- Length
- 298 words · 1 min read
- Published
- November 26, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir