Milatiga Soomaaliya oo wada howlgal ku jahaysan Buurhakaba.
Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa kordhiyay howlgallada milatari ee ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimaha Al-Shabaab iyo goobo ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in howlgallada, oo isugu jira sifeyn iyo burburinta fariisimaha maleeshiyaadka, ay ka socdaan deegaannada Leego, Qardho iyo Jameeco oo u dhow degmada Buurhakaba.
Taliska ayaa sheegay in ujeedka howlgalladu yahay xoojinta amniga, wiiqidda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab iyo ciribtirka khataraha amni ee ka jira deegaannadaasi.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cadaadiska milatari ee socda ayaa sababay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isaga baxaan goobo ay hore ugu dhuumaaleysan jireen.
Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay ciidamo dheeraad ah geeyeen aagga degmada Buurhakaba, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya ciidamada taabacsan Laftagareen iyo kuwa taageersan maamulka cusub ee Baydhaba, oo garab ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa shacabka Buurhakaba ugu baaqay inay soo dhoweeyaan ciidamada dowladda ee ku wajahan degmada.
Xiisaddan ayaa qeyb ka ah khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee Koonfur Galbeed, kaas oo horseeday dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo iska horimaadyo u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda.
Follow the story
About this article
- Length
- 195 words · 1 min read
- Published
- November 26, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir