Mareykanka & UK oo wada dedalo la isugu keenayo DF & Mucaaradka
Safaaradaha Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday ee UK ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub ka bilaabay Soomaaliya, iyagoo xiriir la sameeyay dhinacyada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mucaaradka, si loo helo wada-hadal looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed, amni iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ilo kala duwan oo xog-ogaal u ah dadaalladan, labada safaaradood ayaa dhinacyada ay la xiriireen gaarsiiyay baaq ku saabsan in la qabto isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in la isugu keeno dowladda federaalka iyo mucaaradka, si miiska wada-hadalka loogu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa dalka.
Dadaalladan ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin qorshe diblomaasiyadeed oo ay wadaan Mareykanka iyo UK, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo horseeda heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, amniga iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadeed ee ka aragti duwan.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in labada safaaradood ay riixayaan hindise ku saabsan in shir wada-hadal ah la qabto bilowga bisha Diseembar, kaas oo ay isugu imaan lahaayeen dowladda federaalka iyo Golaha Mucaaradka, iyadoo laga doonayo in kulankaasi noqdo fursad lagu dhageysto tabashooyinka dhinacyada, laguna raadiyo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Qorshahan ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen qaybo ka mid ah dhinacyada dowladda iyo mucaaradka, hase yeeshee weli waxaa la sugayaa mowqifka rasmiga ah ee maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo door muhiim ah ku leh dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ah dhinacyada muhiimka u ah qorshaha cusub ee wada-hadalka, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay socdaan si loo helo ka-qaybgalka labada maamul.
Labadan maamul ayaa horey u muujiyay kala aragti duwanaanshahooda ku aaddan hannaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku baaqay in la helo heshiis siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed qayb ka yihiin.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, abaabulka shir ay isugu imaanayaan dhinacyada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga dhex socda wakiillada diblomaasiyadeed ee Beesha Caalamka ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo dadaal ugu jira in la helo hannaan wada-hadal oo lagu soo afjaro is-mari-waaga siyaasadeed.
Diblomaasiyiinta ku howlan dadaalladan ayaa doonaya in kulanka la qorsheynayo uu noqdo mid ay ka soo baxaan is-afgarad iyo hannaan cad oo lagu wajahayo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo xaaladda amni.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda ayaa xiriir la sameysay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo la sheegay inay u gudbisay diyaar-garowga dowladda Uganda ee ah inay wafdi ka socda u soo diraan magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya aysan ku koobnayn safaaradaha Mareykanka iyo UK oo keliya, balse ay jiraan dhinacyo kale oo gobolka ah oo doonaya inay door ka qaataan isu-soo-dhoweynta hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed.
Wararka laga helayo Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay iyaguna doonayaan inay wafdi u diraan magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, si ay ula kulmaan madaxda dalkaas, ugana wada hadlaan suurtagalnimada in Madaxweyne Yoweri Museveni uu door dhexdhexaadin ah ka qaato khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Labada maamul ayaa la sheegay inay doonayaan inay dowladda Uganda ka codsadaan inay martigeliso wada-hadallo siyaasadeed oo ay ka qayb galaan dhinacyada Soomaalida ee isku haya arrimaha doorashooyinka iyo maamulka dalka.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah dhinacyada gobolka ee laga raadinayo taageero ku saabsan dhexdhexaadinta siyaasadeed ee Soomaaliya, haddii qorshaha ay wadaan Puntland iyo Jubbaland uu hirgalo.
Uganda ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka gobolka ee ku lugta leh arrimaha amniga Soomaaliya, iyadoo ciidamo ka tirsan milatarigeeda ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Haddii Kampala ay aqbasho codsiga labada maamul, waxaa suuragal noqon karta in Uganda ay martigeliso kulamo hordhac ah oo lagu dhisayo kalsoonida dhinacyada, laguna diyaarinayo gogol wada-hadal oo ay ka qayb galaan dowladda federaalka, maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Dadaalladan diblomaasiyadeed ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay weli taagan yihiin khilaafaadka ku saabsan hannaanka doorashooyinka, muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo wajahayo doorashooyinka mustaqbalka, iyadoo mucaaradku ay ku adkeysanayaan in marka hore la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, halka dowladda federaalku ay waddo qorshaheeda dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka.
Waxaa muuqata in safaaradaha Mareykanka iyo UK ay doonayaan in dhinacyada Soomaalida ay helaan fursad kale oo ay ku wada xaajoodaan, iyadoo Uganda-na ay suuragal tahay inay qayb ka noqoto dadaallada dhexdhexaadinta.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin taariikh rasmi ah, goobta lagu qabanayo shirka ama ajandaha kama dambaysta ah ee wada-hadallada la qorsheynayo. Sidoo kale, waxaa la sugayaa mowqifka Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan hindisaha cusub.
Su’aasha ugu weyn ayaa ah in dadaalladan diblomaasiyadeed ay horseedi doonaan in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay isku soo dhowaadaan, isla markaana ay gaaraan heshiis lagu mideynayo aragtida ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Follow the story
About this article
- Length
- 832 words · 4 min read
- Published
- November 26, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir