Soomaaliya oo shir aan caadi ahayn uga qaybgashay Hindiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shirka 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Badweynta Hindiya (IORA), oo 27-kii Nofeembar 2026 ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya, ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda amniga badda, ilaalinta khayraadka badda, la […]
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shirka 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Badweynta Hindiya (IORA), oo 27-kii Nofeembar 2026 ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya, ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda amniga badda, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo sugidda marinnada ganacsiga caalamiga ah.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga dhinaca badda lagu saleeyo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.
Intii uu ku sugnaa New Delhi, Cali Balcad ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Hindiya, Pabitra Margherita, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo diblomaasiyadda.
Follow the story
About this article
- Length
- 131 words · 1 min read
- Published
- November 28, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir