Saraakiil ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay duqeyn cirka ah
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ciidamadeedu, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, 26-kii bishan Nofeembar ka fuliyeen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo ka […]
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ciidamadeedu, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, 26-kii bishan Nofeembar ka fuliyeen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa kooxda, halka laba kale dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah hoggaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala gobollada dalka.
Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka ayaa lagu kala magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Abuukar, oo loo yaqaanay Abuu Khaalid, kaas oo NISA ay sheegtay inuu ahaa madaxa maleeshiyaadka ay kooxdu ugu yeerto Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle, iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ayuub, oo ahaa madaxa maleeshiyaadkaas ee deegaanka Afarta Tuulo.
Sidoo kale, howlgalka waxaa dhaawac culus lagu gaarsiiyay Macallin Mursal, oo sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kooxda u qaabilsanaa arrimaha beeraha iyo kanaallada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo horjooge Faysal oo mas’uul ka ahaa maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Jalalaqsi.
NISA ayaa sheegtay in xogta ay heshay ay muujineyso in horjoogeyaasha la beegsaday ay dhowaan soo dhammaysteen tababar muddo lix bilood ah uga socday deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in howlgalka lagu naafeeyay xubno ka mid ahaa saraakiishii ugu sarreysay ee tababarkaasi soo qaatay, xilli ay qorsheynayeen tallaabooyin ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku howlan wax-soo-saarka beeraha.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in NISA ay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadu tahay in laga hortago falalka ay kooxda qorsheyneyso, lana xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Howlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Hiiraan oo ka mid ah goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa taageera ka wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA
Follow the story
About this article
- Length
- 303 words · 2 min read
- Published
- November 28, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir