Buug cusub oo fadeexado culus ka qoray Madaxweynaha Imaaraadka
Buug cusub oo uu qoray weriye Mareykan ah oo ku takhasusay baaritaannada sirdoonka iyo siyaasadda, Matthew Cole, ayaa soo bandhigay eedeymo xasaasi ah oo la xiriira Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Al Nahyan, xiriirka uu la leeyahay qoyskiisa, iyo doorka uu ku lahaa siyaasadda Bariga Dhexe intii uu Donald Trump hoggaaminayay Aqalka Cad.
Buugga oo lagu magacaabo Princes and Thieves: Jared Kushner and Mohamed bin Zayed’s Secret Plot to Remake the Middle East, ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhexmaray Maxamed Bin Zaa’id, dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Jared Kushner oo ah soddogga Madaxweyne Donald Trump, isla markaana ahaa la-taliyihiisa gaarka ah intii uu xilka hayay maamulkiisii koowaad.
Qoraaga buugga ayaa ku andacoonaya in saddexdan dhinac ay lahaayeen qorshayaal qarsoodi ah oo la xiriiray dib-u-qaabeynta siyaasadda Bariga Dhexe, xiriirka Israa’iil, cadaadiska Iiraan iyo saameynta ay ku yeelanayeen go’aannada siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka.
Warbaahinta Middle East Eye oo soo bandhigtay shan qodob oo ka mid ah eedeymaha buugga ayaa xustay in qaar ka mid ah xogaha qoraagu ku tiirsan yahay ay yihiin ilo aan magacyadooda la shaacin, isla markaana aysan warbaahintu si madax-bannaan u xaqiijin dhammaan sheegashooyinka.
1. Eedeymo la xiriira muuqaal galmo oo loo adeegsaday cadaadis siyaasadeed
Qoraaga ayaa buugga ku sheegay in Maxamed Bin Zaa’id uu sagaashamaadkii laba nin oo Suuriyaan ah u adeegsaday duubista muuqaal la sheegay inuu muujinayay walaalkiis, madaxweynihii hore ee Imaaraadka Khaliifa Bin Zaa’id Al Nahyan, oo galmo la sameynaya nin kale, xilli ay ku sugnaayeen hoteel ku yaalla Koonfurta Yurub.
Sida uu qoraagu sheegayo, muuqaalkaas ayaa markii dambe loo sii mariyay dad Ruush ah oo loo adeegsaday in loo geeyo aabbahood, Sheekh Zaa’id Bin Suldaan Al Nahyan, oo ahaa aasaasihii Imaaraadka, si loogu ceebeyo Khaliifa.
Matthew Cole ayaa ku andacoonaya in aabbaha labada nin uu fahmay in Maxamed Bin Zaa’id uu doonayay inuu walaalkiis ku cadaadiyo muuqaalkaas, balse uu sidoo kale la dhacay xeeladda uu adeegsaday. Qoraagu wuxuu arrintan ku tilmaamay calaamad hore oo muujinaysay hamiga Maxamed Bin Zaa’id ee hoggaanka Imaaraadka.
Buugga ayaa sidoo kale xusay in Maxamed Bin Zaa’id uu Mareykanka kala hadlay sidii looga hortagi lahaa in Maxamed Bin Nayef uu sii ahaado dhaxal-sugaha Sacuudiga, isaga oo la sheegay inuu arrintaas ku saleeyay eedeymo la xiriira noloshiisa gaarka ah.
2. Eedeymo ku saabsan daaweyn caafimaad oo la sheegay inay dhaawacday Khaliifa Bin Zaa’id
Qodobka labaad ee buugga ayaa ku saabsan xaaladdii caafimaad ee madaxweynihii hore ee Imaaraadka, Khaliifa Bin Zaa’id, kaas oo xilka qabtay sannadkii 2004, kaddib geeridii aabbihiis.
Qoraaga ayaa sheegaya in inkastoo Khaliifa uu ahaa madaxweynaha rasmiga ah, haddana walaalkiis Maxamed Bin Zaa’id uu si weyn u maamuli jiray arrimaha awoodda iyo hoggaanka dalka.
Matthew Cole ayaa ku andacoonaya in Khaliifa uu muddo dheer la tacaalayay dhibaatooyin caafimaad iyo xaalado kale, isla markaana markii Maxamed Bin Zaa’id loo magacaabay ku-xigeenka dhaxal-sugaha Abu Dhabi sannadkii 2003 uu bilaabay in walaalkiis loo sameeyo daaweyn caafimaad oo uu qoraagu ku tilmaamay mid xaaladdiisa sii xumeysay.
Buugga ayaa sheegaya in daaweyntaasi ay Khaliifa gelisay xaalad miyir-beel iyo tabardarri ah, ugu dambeyntiina ay sababtay dhaawac soo gaaray neerfayaasha jirkiisa.
Qoraagu wuxuu sidoo kale ku andacoonayaa in daaweyntaasi ay ahayd mid lagu wiiqayay awoodda Khaliifa, isla markaana lagu fulin jiray gacan ka geysashada kalkaaliso caafimaad oo Mareykan ah oo xiriir qoys la lahayd Maxamed Bin Zaa’id.
3. Xiriirka qarsoodiga ah ee Imaaraadka iyo Israa’iil iyo diyaaradaha F-16
Qodobka saddexaad ayaa si gaar ah u eegaya xiriirka milatari iyo tiknoolajiyadeed ee Imaaraadka iyo Israa’iil, kaas oo qoraagu sheegay inuu soo bilowday tobannaan sano ka hor inta aan labada dal si rasmi ah u caadiyeyn xiriirkooda diblomaasiyadeed sannadkii 2020.
Matthew Cole ayaa buugga ku qoray in Maxamed Bin Zaa’id uu taageere u ahaa tiknoolajiyadda iyo awoodda milatari ee Israa’iil tan iyo sagaashamaadkii, inkastoo aabbihiis Sheekh Zaa’id uu ka cagajiidayay xiriir dhow oo lala yeesho Israa’iil, sababo la xiriira mowqifkiisa taageerada Falastiiniyiinta.
Qoraagu wuxuu xusay in sannadkii 1998, markii Maxamed Bin Zaa’id uu ahaa madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka, uu taageeray qorshe lagu iibsanayay diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16, kuwaas oo lagu rakibayay tiknoolajiyad iyo barnaamijyo ay Israa’iil samaysay.
Sida buugga lagu sheegay, Imaaraadka ayaa oggolaaday inuu iibsado 80 diyaaradood oo F-16 ah, iyadoo arrintaas ay barbar socdeen wadahadallo qarsoodi ah oo dhexmaray Israa’iil iyo Imaaraadka, kuwaas oo uu fududeeyay maamulkii Madaxweyne Bill Clinton ee Mareykanka.
4. Abwaan reer Imaaraad ah oo la sheegay in loo jirdilay diidmada xiriirka Israa’iil
Qodobka afaraad ee buugga ayaa ka hadlayaa geerida abwaanka iyo suxufiga reer Imaaraadka ee Xabiib Al Saayig (Habib Al Sayegh), kaas oo qoraagu ku eedeeyay in la afduubtay, la jirdilay, ugu dambeyntiina uu u dhintay jirdilkaas sannadkii 2019.
Matthew Cole ayaa sheegay in Xabiib Al Saayig uu ahaa shaqsi si dhow ula xiriiray madaxda sare ee Imaaraadka, isla markaana ka tirsanaa dadka saameynta ku lahaa suugaanta iyo saxaafadda dalkaas. Wuxuu sidoo kale ahaa tifaftire sare oo ka tirsanaa wargeyska Al Khaleej, xoghayaha guudna ka ahaa Ururka Qorayaasha Carabta.
Qoraagu wuxuu sheegay in inkastoo abwaanku hore u taageeri jiray siyaasadaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, haddana uu ka horyimid qorshihii lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil.
Bishii Agoosto 2019 ayuu qoray maqaal cinwaankiisu ahaa “Israel Is Our Real Enemy and A Dangerous Project”, kaas oo uu si cad uga soo horjeestay xiriirka lala yeelanayo Israa’iil.
Buugga ayaa ku andacoonaya in kaddib markii maqaalkaasi soo baxay, saraakiil amni ay gurigiisa ka kaxeeyeen amarka Maxamed Bin Zaa’id, laguna sameeyay jirdil muddo saddex maalmood ah socday, kaas oo ay ku jireen in ilkihiisa qaar laga siibo iyo garaacis daran.
Qoraagu wuxuu sheegay in markii uu geeriyooday, mid ka mid ah kaaliyeyaasha ugu dhow Maxamed Bin Zaa’id uu meydkiisa ku tilmaamay mid aan si fudud lagu aqoonsan karin.
Cole ayaa arrintan ku xiriiriyay qorshe diblomaasiyadeed oo la sheegay inuu dhexmarayay Imaaraadka, Sacuudiga iyo Jared Kushner, kaas oo looga gol lahaa in dalalka Khaliijku xiriir rasmi ah la yeeshaan Israa’iil, iyadoo la dhinac marinayo qaddiyadda Falastiin.
5. Khilaafkii Jared Kushner iyo Tom Barrack ee maamulka Trump
Qodobka shanaad ayaa ka hadlay khilaaf siyaasadeed oo la sheegay inuu dhexmaray Jared Kushner iyo Tom Barrack, oo ahaa maalqabeen Mareykan ah oo asal ahaan Lubnaani ah, isla markaana hadda ah safiirka Mareykanka u fadhiya Turkiga, ergayna ka ah arrimaha Ciraaq iyo Suuriya.
Buugga ayaa sheegaya in Barrack uu doonayay in la hirgeliyo qorshe dhaqaale oo loogu magac daray Marshall Plan, kaas oo ay maalgelin lahaayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga, si dib loogu dhiso loona horumariyo dalalka Bariga Dhexe.
Hase yeeshee, qoraagu wuxuu ku andacoonayaa in Kushner uu xaddiday doorkii Barrack, isaga oo u oggolaaday inuu keliya wax ka qabto qaybta Masar, isla markaana uusan la wadaagin xiriirradii gaarka ahaa ee uu la lahaa hoggaamiyeyaasha Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Khilaafka labada nin ayaa sii xoogaystay sannadkii 2017, markii Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xayiraad ku soo rogeen Qatar. Barrack ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka isku dayay inay Trump ka dhaadhiciyaan inuusan taageerin go’aanka xayiraadda Qatar, isaga oo arrintaas kala shaqeynayay xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson.
Eedeymaha iyo jawaabaha la xiriira buugga
Buugga Matthew Cole ayaa sidoo kale soo bandhigaya eedeymo waaweyn oo la xiriira dhaqaale gaaraya ku dhowaad laba bilyan oo doollar, kaas oo qoraagu sheegay in hoggaamiyeyaasha Imaaraadka iyo Sacuudigu ay geliyeen akoonno bangi oo uu Jared Kushner awood u lahaa inuu isticmaalo intii uu ka tirsanaa maamulka Trump.
Kushner ayaa si adag u beeniyay eedeymahaas, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana sheegay in qoraagu uusan soo bandhigin wax dukumiinti maaliyadeed ah oo xaqiijinaya sheegashooyinkiisa. Qareennadiisa ayaa sidoo kale ku hanjabay tallaabo sharci ah oo ka dhan ah dadka faafiyay eedeymaha.
Dhanka kale, qoysaska boqortooyada Imaaraadka iyo Sacuudiga kama aysan jawaabin eedeymaha uu buuggu xambaarsan yahay, halka warbaahinta Middle East Eye ay caddeysay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhammaan xogaha uu qoraagu soo bandhigay.
Buuggan ayaa dhaliyay dood ku saabsan xiriirka lacagta, sirdoonka iyo diblomaasiyadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, gaar ahaan doorkii Jared Kushner uu ku lahaa siyaasaddii Trump ee ku wajahneyd Israa’iil, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Falastiin.
Follow the story
About this article
- Length
- 1,330 words · 7 min read
- Published
- November 28, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir