Isimada dhaqanka Daarood oo ku wajahan Badhan
Qaar ka mid ah isimada dhaqanka beesha Daarood ayaa maanta ku wajahan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay taallo gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo labo beeleed oo xurgufi dhextaallo.
Isimadan oo saaka ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa ku hakaday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo loogu sameeyay sooryo, sida uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali.
“Waxaan u mahadcelinaynaa bulshada Qardho sida gobannimada leh ee ay noogu sooryeeyeen nooguna soo dhaweeyeen degmada, annaga oo ah odayada dhaqan ee ku sii jeeda magaalada Badhan” ayuu yiri Garaad Jaamac.
“Socdaalkayaga nabadeed ee aanu kaga soo kicitanay deegaannada kala duwan ee beesha Daarood waxa uu salka ku hayaa gurmad iyo gogol nabadeed oo aan ugu garqaadayno walaalaha ood-wadaagta ah ee Warsangeli ee dagaalladu dhexmareen” ayuu raaciyay.
Isimada Badhan ku wajahan waxaa ka mid ah ugaaska guud ee beesha Mareexaan (Sade) Ugaas Maxamed Ugaas Axmed, Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool (Garaad Wiilwaal), Garaad Jaamac Garaad Cali, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Mukhtaar Garaad Cali Buraale.
Gogosha Badhan waxaa bil ka hor dhigay suldaanka guud ee gobolka Sanaag, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, kaas oo shaaciyay in nabdeynta labada beeleed ay galayaan isimada dhaqanka beesha Daarood.
**PUNTLAND POST **
Follow the story
About this article
- Length
- 196 words · 1 min read
- Published
- November 29, 2026
- Byline
- Puntland Post News Desk
- Source
- Puntlandpost