Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay dhacdadii xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, isagoo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inay ku lug leedahay waxa uu ku tilmaamay shirqoollo siyaasadeed oo abaabulan.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad ugu bareeray falal siyaasadeed oo halis ah, isagoo dhacdadii Doolow ku tilmaamay tusaalihii ugu dambeeyay ee arrimahaas.
“Nidaamka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Madaxweynaha hore, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si cad ugu bareeray shirqoolo siyaasadeed oo si weyn loo abaabulay, waxaana ugu dambeeyay duullaanka dhinaca cirka ah ee xalay ka dhacay Degmada Doolow ee gobolka Gedo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale hay’adaha amniga qaranka ugu baaqay inay ka fogaadaan in loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digay in xaaladda siyaasadeed ay gaartay marxalad xasaasi ah.
Dhacdada Doolow ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday hoyga General Mahad Cabdiraxmaan “Shub”, oo hore u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Wararka la helayo ayaa sheegaya in General Shub uu ka badbaaday weerarka, iyadoo dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Jubaland ayaa iyaduna dowladda Federaalka iyo Türkiye ku eedeysay inay ka dambeeyeen weerarka, iyadoo sheegtay in diyaarado militari loo adeegsaday bartilmaameedka guriga General Shub. Hase yeeshee, cidda fulisay weerarka weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday inay ku lug lahayd dhacdada, iyadoo sheegtay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in waxa dhacay ay ahaayeen qaraxyo ka dhashay walxo qarxa oo gudaha guriga lagu diyaarinayay, isla markaana baaritaan lagu sameynayo.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, iyadoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay si adag uga soo horjeedaan jihada siyaasadeed iyo dastuurka cusub ee dowladda Federaalka.
Follow the story