Maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo Aadan Madoobe ayaa war uu goordhaweyd soo saaray ku sheegay in la soo afjaray dagaal xoogan oo muddo dhowr saac ah ka socday magaalada Baydhabo.
Maamulka Aadan Madoobe wuxuu ciidanka weerar soo qaaday ku tilmaamay Al-shabaab, iyaga oo sheegay in ay soo bandhigi doonaan maydadkooda.
Dagaal xoogan ayaa saaka hiirtii hore ka dhacay Baydhabo, kaddib markii ay magaaladaas weerar ku soo qaadeen ciidan daacad u ah maamulkii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Rasaas xooggan iyo labo jog oo xoogan ayaan laga maqlay gudaha magaalada iyo hareeraheeda, taas oo u dhaxaysay ciidanka soo galay iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Aadan Madoobe.
Dagaalka oo socda muddo dhowr saac ah wuxuu sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, kuwaas oo weli tirakoob rasmi ah laga ahayn.
Maahan markii ugu horreysay oo dagaal ka dhaco Baydhabo tan intii meesha laga saaray maamulkii Laftagareen, dhow jeer oo hore ayaa dagaalo noocaaan ah ka dhaceen magaaladaas.
**PUNTLAND POST **
Follow the story