Xeryihii Jinka ” Social Media”.
Xeryihii Jinka ” Social Media”.
Q.1’aad Abdurehman Fadli – Perth Australia
Iyadoo dunida maantu ay durbaba ka gudbeyso rubucii iaad ee Qarnigii loo bixiyey
qarniga IT-ga (Information Technology) ayaa horumarka baaxadda leh ee is daba
joogga ah ee Technolojiyadda iyo isgaadhsiinta casriga ah sida looga faaiideysanayaa
noqotey saamiyo aan isku weel la darsaneyn marka loo eego dadyowga caalamka
maanta ku nool.
Haddaynu nidhaahno social media-waa qayb ka mid ah nolosha manta ee casriga
21’aad rubaciisa hore waxaa kaloo aan odhan karaa marka six un loo isticmaalo ama
xadka baahideeda kor looga baxo waa nooc ka mid ah waxyeellooyinka isla qarnigaas
ka jira.
Waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa Mareegaha bulshada ” Social Media” oo aynu
ognahay inta nooc ee ay u kala baxaan welina usii kala baxayaan iyo isticmaallada xad-
dhaafka ah ee loo adeegsanayo, maanta social media-yaha waxaa loo isticmaalaa
tusaale ahaan dhankiisa togan: Waxbarashada oo nooc kasta u kala bixi karta
Wacyigelinta bulshada dhanka togan
Ganacsiyada iyo xayaysiiska Isgaadhsiinta iyo wada xidhiidhka bulshada iyo wax intaas kasii badan oo aan la koobi
karin.
Waxaa barbar socda dhibta ka iman karta marka dhanka taban loo adeegsado tusaale
Soo gudbinta afkaaraha binu-aadanka waxyeellada u leh
kicinta shucuubta iyo aloosiidda xasaradaha kuwo degmo, goboleed ama kuwo
caalamba
kobcinta iyo buunbuuninta dhaqamada xun ee akhlaaqda iyo anshaxa la isla
oggolyahay ka gudubsan Burburinta dhaqaalaha , xasiloonida, wada jirka bulsho iyo jiritaanka ummadeed
Abuurista nacaybka bulshooyin dhex mari kara
waxyeellaynta sharafta iyo qiyamka ashkhaasta, unugyada hoose ee bulsho sida
qoyska iyo mid qaranba
Follow the story
About this article
- Length
- 260 words · 1 min read
- Published
- November 5, 2026
- Byline
- Qaran News
- Source
- Qarannews