Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa ka degay Madaarka Washington Dulles International Airport (IAD) ee magaalada Washington, D.C., halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo saaxiibada Somaliland. Ciro waxa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa ka degay Madaarka Washington Dulles International Airport (IAD) ee magaalada Washington, D.C., halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo saaxiibada Somaliland.
Ciro waxa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad ee Somaliland iyo xubno kale oo ka tirsan weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta hoos ku xusan:
Sidoo kale waftiga Madaxweynaha waxa ku soo biiri doona Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Wasiirka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .
Muddada uu Madaxweynaha Somaliland ku guda jiro safarkiisa shaqo ee dalka Maraykanka, waxa uu kulamo iyo wada-hadallo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo diiradda saari doona xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga, iyo taageerada qaddiyadda aqoonsiga ee Somaliland.
“Safarkani ma aha oo keliya booqasho diblomaasiyadeed, balse waa juhdi Qaran oo lagu horumarinayo danaha, sumcadda iyo himilada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay Washington u gudbin doonaan aragtida Somaliland, xaqiiqadeeda siyaasadeed, doorkeeda istaraatiijiga ah iyo rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah in dalkoodu helo aqoonsi iyo xidhiidh caalami ah oo ku salaysan dano-wadaag iyo iskaashi midho-dhal ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Follow the story