𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Ferhat Alkan, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee xoogan ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa kulankooda diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisam saaxiibtinimo, iskaashi iyo danaha wadajirka ah ee labada shacab iyo in laga wada shaqeeyo horumarinta kaabeyaasha kala duwan ee ay iska kaashadaan labada dowladood.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Safiirka la-wadaagay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Turkiga, oo ka mid ah oo ka mid ah saaxiibada muhiimka ah ee ay leedahay Soomaaliya.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada buuxda ee ay la garab taganyihiin shacabka Soomaaliyeed, ee dhinacyada dib-u-dhiska, kobcinta dhaqaalaha dalka, amniga iyo tababarada ciidamada iyo dhismahooda.
Follow the story
About this article
- Length
- 154 words · 1 min read
- Published
- October 20, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir