Imaaraadka oo ciidamo u tababaraya Puntland iyo Somaliland.
Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay dalka Imaaraadka u qaaday ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo la sheegay in halkaas lagu siinayo tababar milatari oo heer sare ah. Xogta la helayo ayaa tilmaamaysa in ciidamada lagu tababarayo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones,...
AI summary
Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay dalka Imaaraadka u qaaday ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo la sheegay in halkaas lagu siinayo tababar milatari oo heer sare ah.
Xogta la helayo ayaa tilmaamaysa in ciidamada lagu tababarayo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones, iyo hababka lagu ogaado laguna difaaco weerarrada drones-ka.
Tababarka ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada Imaaraadka Carabta ee lagu horumarinayo awoodda ciidamadaasi, iyadoo saraakiil Israel ah lagu soo waramayo inay qeyb ka yihiin bixinta tababarka.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed iyo kuwo amni.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar kala duwan Imaaraadka ku eedeysay inay dhiseyso ama taageereyso ciidamo hubeysan oo ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda dhexe, iyadoo Muqdisho ay walaac ka muujisay in ciidamadaasi mustaqbalka loo adeegsan karo qaabab la mid ah Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Sudan.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya faahfaahinta tababarka, tirada ciidamada la geeyay Imaaraadka ama doorka saraakiisha Israel ee tababarka. Somaliland, Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaan sidoo kale si rasmi ah uga hadlin xogtan.
Follow the story
About this article
- Length
- 193 words · 1 min read
- Published
- October 14, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir