Caleemo saarka hogaamiyaha cusub ee Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb
Munaasabada Caleemo saarka Hogaamiyaha cusub ee Galmudug ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaas.
Madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee maamulkaas, Liibaan Axmed Xasan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray Dhuusamareeb isagoo ay weheliyaan hoggaamiyeyaasha maamullada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, kuwaasoo ka qeybgalaya munaasabadda dhaarinta hoggaamiyaha cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale gaaray munaasabadda, waxaana halkaas waqti sii horeeyay gaaray ilaalada madaxtooyada.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay diyaar-garowga munaasabadda, iyadoo ay halkaas ku qulqulayeen wafdiyo ka socda dowladda federaalka, maamul-goboleedyada iyo wakiillo ka socda dalal shisheeye.
Liibaan Axmed Xasan ayaa 22-kii Oktoobar loo doortay hoggaamiyaha Galmudug, kaddib markii uu helay 72 cod oo ka mid ah 89 cod oo ay dhiibteen xildhibaannada baarlamaanka maamulka.
Caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyadu ay weli ka wada hadlayaan arrimo la xiriira dib-u-habaynta dastuurka, awood-qaybsiga iyo iskaashiga amniga.
Follow the story
About this article
- Length
- 169 words · 1 min read
- Published
- November 5, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir