Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee Hiiraan.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa howlgallo ka wada gobolka Hiiraan, kaddib dagaallo shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu galinkii dambe ee Jimcaha dib ula wareegeen deegaanka istaraatiijiga ah ee Hees, halkaas oo shalay...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa howlgallo ka wada gobolka Hiiraan, kaddib dagaallo shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu galinkii dambe ee Jimcaha dib ula wareegeen deegaanka istaraatiijiga ah ee Hees, halkaas oo shalay ay soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Hees uu muhiim u yahay waddada isku xirta degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne, waxaana laga cabsi qabay in haddii Al-Shabaab ay sii haystaan deegaanka ay carqalad ku keeni karto isu socodka waddada iyo dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.
Ciidamada dowladda ayaa weli wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Follow the story
About this article
- Length
- 116 words · 1 min read
- Published
- October 10, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir