Wakiilka Maraykanka ee NATO oo ka hadlay diidmada Trump ee soo jeedinta Iiraan
Wakiilka Maraykanka ee NATO,Matthew Whitaker, ayaa sheegay in Donald Trump uu saxan yahay in uu diiday soo jeedintii Iran ee ahayd in muddo toddoba maalmood ah la furo Marin-biyoodka Hormuz.
“Iyagu [Iran] waxay aad ugu baahan yihiin heshiis,” ayuu yiri Mr. Whitaker, isagoo xusay in Mr. Trump uu guulo badan ka gaaray go’doominta badda iyo cunaqabateennada.
Waxa kale oo uu yiri: “Laakiin tallaabooyinkan aan dhammaystirnayn ama heshiisyada muuqda ee ay soo jeedinayaan si ay sumcad uga helaan masraxa caalamka sinaba looma aqbali karo.”
Diblomaasiga Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay walaaca dadweynaha ee ku saabsan qiimaha sare ee saliidda iyo shidaalka: “Ugu dambayn, marka xaaladdan si guul leh loo xalliyo, marka dagaalladan lagu soo afjaro si waafaqsan danaha Maraykanka iyo xulafadiisa, waxaan suuqa ku arki doonnaa sahay badan oo saliid iyo gaas, waana in arrintaasi dhacdaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah
Follow the story
About this article
- Length
- 143 words · 1 min read
- Published
- September 27, 2026
- Byline
- Qaran News
- Source
- Qarannews