Hindiya oo soo badbaadisay doon gacanta u gashay burcad badeed Soomaali ah.
Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay inay badbaadiyeen dhammaan 20-ka shaqaale ee saarnaa markabka kalluumeysiga Azini, kaas oo ay kooxo hubeysan ku afduubteen xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya bishii hore. Howlgalka lagu soo furtay markabka ayaa socday in ka badan 48 saacadood, waxaana lagu soo gabagabeeyay iyadoo dhammaan shaqaalihii markabka ay nabad qabaan, iyadoo aan la soo sheegin […]
Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay inay badbaadiyeen dhammaan 20-ka shaqaale ee saarnaa markabka kalluumeysiga Azini, kaas oo ay kooxo hubeysan ku afduubteen xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya bishii hore.
Howlgalka lagu soo furtay markabka ayaa socday in ka badan 48 saacadood, waxaana lagu soo gabagabeeyay iyadoo dhammaan shaqaalihii markabka ay nabad qabaan, iyadoo aan la soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.
Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay in afduubka markabkan uu khatar ku ahaa amniga badda, maadaama burcad-badeeddu ay u adeegsan kareen Azini markab hooyo, ama “mother ship”, oo laga abaabulo weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee mara Badweynta Hindiya.
Si loo helo markabka, Hindiya waxay dirtay markab dagaal oo ay taageerayeen diyaarado kormeer iyo sahamin badeed. Ciidamada ayaa muddo ku jiray dabagal joogto ah, iyagoo xakameeyay dhaqdhaqaaqa markabka si looga hortago inuu baxsado.
Ciidamada gaarka ah ee Marine Commandos ayaa markii dambe lagu daadiyay goobta iyadoo loo adeegsaday diyaarad C-17 oo ka tirsan Ciidanka Cirka Hindiya. Ciidanka Badda Hindiya ayaa intaas kadib qaaday howlgal xeeladaysan oo lagu xaqiijiyay markabka, laguna soo afjaray khatartii burcad-badeedda.
Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay in howlgalka uu muujinayo awoodda ciidamadooda iyo sida ay ciidamada badda iyo cirka uga wada shaqeyn karaan hawlgallada adag ee amniga badda.
Hindiya waxay sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu ilaalinayo badmaaxiinta, maraakiibta ganacsiga iyo waddooyinka muhiimka ah ee mara Badweynta Hindiya.
Follow the story
About this article
- Length
- 227 words · 1 min read
- Published
- November 3, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir