Madaxweynaha Somaliland oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, kaas oo u gudbiyey waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyadeed. Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa calaamad u ah tallaabo cusub oo dhinaca xiriirka diblomaasiyadeed ah, kaddib markii Israa’iil iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in ay yeeshaan xiriir […]
AI summary
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, kaas oo u gudbiyey waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyadeed.
Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa calaamad u ah tallaabo cusub oo dhinaca xiriirka diblomaasiyadeed ah, kaddib markii Israa’iil iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in ay yeeshaan xiriir rasmi ah.
Madaxweyne Cirro ayaa soo dhaweeyey danjiraha, isaga oo sheegay in Somaliland ay doonayso in ay Israa’iil la yeelato xiriir ku dhisan iskaashi iyo dano wadaag, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan goobta ay kaga taallo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo tilmaamay in iskaashiga labada dhinac uu wax ka tari karo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dhankiisa, Danjire Michael Lotem ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in uu Israa’iil ku metelo Somaliland, isaga oo ballanqaaday in uu ka shaqayn doono xoojinta xiriirka labada dhinac.
Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga labada dhinac uu diiradda saari doono amniga iyo difaaca, ganacsiga, maalgashiga, caafimaadka, waxbarashada iyo tiknoolajiyadda.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli xiriirka Somaliland iyo Israa’iil uu galay marxalad cusub oo diblomaasiyadeed, taas oo la filayo in ay yeelato saamayn siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeed oo la xiriirta gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.
Follow the story
About this article
- Length
- 215 words · 1 min read
- Published
- November 1, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir