Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerarro is-daba joog ah ku qaadday fariisimo iyo baro ay ciidamada ammaanka Kenya ku leeyihiin gobollada Wajir, Garissa iyo Mandera ee waqooyi-bari dalkaas. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero militari oo ku taalla...
Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerarro is-daba joog ah ku qaadday fariisimo iyo baro ay ciidamada ammaanka Kenya ku leeyihiin gobollada Wajir, Garissa iyo Mandera ee waqooyi-bari dalkaas.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero militari oo ku taalla Qorof Xaraar, gobolka Wajir, iyadoo la maqlayay rasaas xooggan xilli uu socday iska horimaadka.
Gobolka Garissa, Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay weerartay xero militari oo ku taalla Sareedo, oo hoos tagta Dhadhaab, iyo bar-koontarool ku dhow deegaankaas.
Sidoo kale, dagaalyahanno ka tirsan kooxda ayaa la sheegay inay burburiyeen xero amni oo cusub oo laga sameeyay Biyo-madoobe, deegaanka Fafi. Sida wararku sheegayaan, ciidamo kuma sugneyn xerada xilliga weerarka.
Dhanka gobolka Mandera, dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen ciidamada Kenya ee ku sugnaa Hareeri Suuki, oo hoos taga deegaanka Ceel-qaaloow.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarradan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ku gaarsiisay ciidamada Kenya. Hase yeeshee, illaa hadda ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay tirada khasaaraha ama faahfaahinta weerarrada.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli la soo sheegayo inay kordhayaan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah waqooyi-bari Kenya, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya.
Follow the story