Liibaan Shuluq oo iska wareejiyay hub uu si shaqsi ah u lahaa.
Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa Wasaaradda Amniga maamulka ku wareejiyay gaadiid dagaal iyo hub uu si gaar ah u lahaa, kuwaas oo uu adeegsan jiray xilligii ololihiisa doorashada iyo hawlgallada amni.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in gaadiidkaasi ay si gaar ah u lahaayeen Madaxweynaha, isla markaana ay qayb ka ahaayeen agabkii uu ku shaqeynayay xilligii uu ahaa musharraxa u tartamayay xilka Madaxweynaha Galmudug.
Gaadiidka dagaalka iyo hubka la wareejiyay ayaa sidoo kale la sheegay in loo adeegsan jiray hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada Galmudug.
Wareejintan ayaa ka dhigan in agabkii milatari ee sida gaarka ah u lahaa Madaxweynaha lagu biiriyay hantida iyo agabka hay’adaha amniga maamulka, si loogu adeegsado hawlgallada amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Liibaan Axmed Xasan ayaa dhowaan ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha Galmudug, waxaana isaga iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Aadan Garyare lagu caleemo-saaray magaalada Dhuusamareeb, munaasabad ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda dowlad-goboleedyada, mas’uuliyiin federaal ah iyo marti sharaf kale.
Wareejinta hubka iyo gaadiidka ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka cusub ee Galmudug uu bilaabayo hawlaha la xiriira amniga, dib-u-habeynta hay’adaha maamulka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli ka socda qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug.
Follow the story
About this article
- Length
- 205 words · 1 min read
- Published
- November 7, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir