RW Xamsa: Soomaaliya waa in laga ciribtiro fikirka Khawaarijta
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii looga hortagi lahaa fikirka kooxaha xagjirka ah ee dalka ka jira. Xamsa ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xoogga saartay la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo dhinaca milatariga...
AI summary
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii looga hortagi lahaa fikirka kooxaha xagjirka ah ee dalka ka jira.
Xamsa ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xoogga saartay la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo dhinaca milatariga iyo dhinaca fikirka labadaba, si looga hortago saameynta ay kooxdaasi ku leedahay bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen boqollaal qof, kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Xamsa ayaa sheegay inuu isaga iyo qoyskiisu ka mid ahaayeen dadkii ka badbaaday qaraxaasi, isagoo ka sheekeeyay sida uu qaraxu u saameeyay goobtii uu markaas ku sugnaa.
“Dadkii Ilaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa. Meeshaas ayaan markaas maray, guri aan degganaa oo qiyaastii 200 tallaabo u jira goobta uu qaraxu ka dhacay ayaan tagay. Markii qaraxu dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana Ilaahay baa iga dhaafiyay, gurigiina wuu dumay,” ayuu yiri Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay door weyn siisay culimada Soomaaliyeed, si bulshada loogu caddeeyo waxa uu ku tilmaamay fikirka qaldan ee kooxaha xagjirka ah. Wuxuu xusay in culimadu ay horey u soo saareen fatwo ay ku cambaareynayaan kooxaha uu ku tilmaamay Khawaarijta, isla markaana ay waajib tahay in lagula dagaallamo fikir ahaan iyo qaabab kale oo amni.
Xamsa ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska kaashadaan dadaallada lagu cirib-tirayo kooxaha hubeysan, isagoo sheegay in dowladda ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu cirib-tirayo fikirka xagjirka ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 263 words · 1 min read
- Published
- October 14, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir