Muxuu Maareeye Ameriko ku soo bandhigay Madasha GSEF 2026?
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qaybgalay Madasha GSEF 2026, halkaas oo uu ku soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya uga furmay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo qorshaha lagu dhisayo deked cusub oo casri ah oo laga hirgelinayo magaalada Muqdisho. Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo arrintan ku […]
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qaybgalay Madasha GSEF 2026, halkaas oo uu ku soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya uga furmay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo qorshaha lagu dhisayo deked cusub oo casri ah oo laga hirgelinayo magaalada Muqdisho.
Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo arrintan ku shaaciyay qoraal uu soo saaray, ayaa sheegay inuu sharaf u ahaa ka qaybgalka madasha, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay fursado maalgashi oo muhiim ah, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Maareeyaha ayaa tilmaamay in xubinnimada Soomaaliya ee EAC ay dalka u abuureyso fursado cusub oo la xiriira ballaarinta ganacsiga, xoojinta xiriirka dhaqaale ee dalalka gobolka iyo soo jiidashada maalgashadayaasha doonaya inay ka faa’iideystaan suuqyada Bariga Afrika.
Qodobka ugu muhiimsan ee uu Maxamed Cali Nuur ku soo bandhigay madasha ayaa ahaa qorshaha lagu hirgelinayo deked cusub oo casri ah oo laga dhisayo Muqdisho, taas oo la filayo inay door ka qaadato horumarinta adeegyada dekedaha iyo kobcinta ganacsiga Soomaaliya.
Sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, dekedda cusub waxay xoojin doontaa isku-xirka ganacsiga gobolka, fududeynta isu socodka badeecadaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Horumarinta kaabeyaasha dekedaha ayaa muhiim u ah Soomaaliya, maadaama ganacsiga dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay badeecadaha laga soo dejiyo dekedaha iyo kuwa loo dhoofiyo suuqyada caalamka.
Hirgelinta deked casri ah ayaa sidoo kale abuuri karta fursado la xiriira adeegyada saadka, gaadiidka, bakhaarada, shaqo abuurka iyo ballaarinta maalgashiga ganacsiga.
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo maalgashadayaasha gudaha iyo dibaddaba inay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira Soomaaliya, isla markaana ay maalgashadaan mashaariicda horumarinta kaabeyaasha ganacsiga.
Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in maalgashadayaashu ay dowladda la yeeshaan iskaashi dhab ah, si loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah oo gacan ka geysta kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada dalka.
“Horumarka Soomaaliya waa masuuliyad iyo fursad inaga wada dhexeysa. Aan fursadaha u beddelno maalgashi, maalgashigana horumar muuqda!” ayuu ku yiri farriintiisa.
Xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika ayaa dalka u abuureysa fursado la xiriira ballaarinta ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka, inkasta oo ka faa’iideysiga fursadahaasi uu ku xirnaan doono horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga iyo awoodda dalka ee tartanka suuqyada gobolka.
Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Soomaaliya, waxaana horumarinteeda loo arkaa arrin muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee isku-xirka ganacsiga gobolka.
Ka qaybgalka Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ee Madasha GSEF 2026 ayaa qayb ka ah dadaallada lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo dhiirrigelinta iskaashiga dowladda iyo ganacsatada si loo horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Si kastaba ha ahaatee, faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta saxda ah ee dekedda cusub, kharashka mashruuca, maalgeliyeyaasha iyo waqtiga la filayo in la bilaabo dhismaheeda laguma sheegin qoraalka uu maareeyuhu soo saaray.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Follow the story
About this article
- Length
- 475 words · 2 min read
- Published
- October 25, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir