Hirshabeelle oo digniin u dirtay gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Faarax Maxamed Cismaan, ayaa digniin u diray gaadiidleyda gobolka Hiiraan iyo shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha aysan qaadan karin amar aan ka soo bixin Wasaaradda Gaadiidka iyo […]
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Faarax Maxamed Cismaan, ayaa digniin u diray gaadiidleyda gobolka Hiiraan iyo shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha aysan qaadan karin amar aan ka soo bixin Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle.
Wasaaraddu waxay sidoo kale shirkadaha diyaaradaha uga digtay inay ku milmaan arrimaha siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan, iyadoo ku amartay inay ku ekaadaan gudashada waajibaadkooda ganacsi.
“Waxaa si rasmi ah looga digayaa gaadiidleyda Gobolka Hiiraan iyo shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif in aysan qaadan karin amar aan ka soo bixin Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle, lagana fogaado amar kasta oo aan Wasaaradda ka imaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabo waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo jebisa awaamiirta ay soo saarto.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan.
Guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed, oo maamulka Hirshabeelle uu sheegay in xilka laga qaaday, balse isaguna diiday, ayaa maalmo ka hor soo saaray warsaxaafadeed uu shirkadaha diyaaradaha ugu sheegay inaysan qaadi karin masuuliyiin ka socda maamulka Hirshabeelle.
Maxamed Carab ayaa sheegay in la joojiyey kastankii canshuuraha looga qaadi jiray Matabaan, iyadoo lagu wareejiyey deegaanka Ceelgaal, halkaas oo lagu sameeyey kastan cusub.
Follow the story
About this article
- Length
- 231 words · 1 min read
- Published
- November 2, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir