Itoobiya, Yemen, Cumaan, Jabuuti, Puntland iyo Somaliland oo iska kaashanaya amniga badda
Ciidanka Badda Itoobiya oo kaashanaya Midowga Yurub ayaa maanta soo gabagabeeyay shir goboleed ku saabsan amniga badda oo muddo afar berri ah ka socday magaalada Addis Ababa.
Saraakiil ciidan oo ka kala socda Yemen, Cumaan, Jabuuti, Somaliland iyo Puntland ayaa ka qaybgalay shirka waxaa diirada lagu badbaadada badda, howlgallada gurmadka & raadinta, is-gaarsiinta gobolka iyo la dagaallanka khataraha ka jira Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan qayb galin shirkan, iyada oo xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa uu sii xumaanayay muddooyinkii dambe.
Puntland iyo Somaliland oo maamula xeebaha Soomaaliya ee ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo in badan oo ka mid ah Badweynta Hindiya ayaa hore ugu heshiiyay in ay iska kaashadaan khataraha badda.
PUNTLAND POST
Follow the story
About this article
- Length
- 124 words · 1 min read
- Published
- October 29, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost