Singapore oo mushaharka Ra’iisul Wasaaraha gaarsiineysa ku dhowaad $2.9 milyan sanadkii, iyadoo dowladda ay ku doodday inay ka hortagayso musuqmaasuqa
Ra’iisul Wasaaraha Singapore, Lawrence Wong, ayaa maanta ku dhawaaqay in dowladda dalkaasi ay wax ka beddelayso nidaamka mushaharka madaxda siyaasadda, kaddib markii guddi madax-bannaan uu dib u eegis ku sameeyay nidaamka mushaharka siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka.
Dowladda Singapore ayaa sheegtay in dib-u-eegistan looga gol leeyahay in dalka lagu sii ilaaliyo hoggaan tayo leh, lana xaqiijiyo in mushaharka madaxda dowladda uu awood u siiyo inay soo jiitaan shaqsiyaad karti sare leh oo ka iman kara ganacsiga iyo qaybaha kale ee gaarka loo leeyahay.
Nidaamka Singapore ayaa sidoo kale muddo dheer ku salaysnaa dood ah in mushahar tartan leh uu yareyn karo khatarta musuqmaasuqa, maadaama siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda la siinayo dakhli sare oo ay ku beddelanayaan adeegga qaranka. Dowladda ayaa sheegtay in lacagtu aysan ahayn sababta ugu weyn ee qof siyaasadda u gelaya, balse mushaharku uu yahay qayb ka mid ah nidaamka lagu soo jiidanayo dadka kartida leh.
Sida qorshaha cusub, mushaharka Ra’iisul Wasaaraha Lawrence Wong ayaa laga qaadi doonaa heerkii hore ee qiyaastii S$2.2 milyan sanadkii, waxaana lagu kordhinayaa S$3.6 milyan sanadkii, taas oo u dhiganta ku dhowaad US$2.8 milyan.
Tani waxay ka dhigan tahay koror aad u weyn marka loo eego mushaharkii hore, waxaana Lawrence Wong uu sidaas ku sii ahaanayaa mid ka mid ah madaxda dowladeed ee ugu mushaharka badan caalamka.
Si kastaba ha ahaatee, Wong ayaa sheegay inuu shan sano oo xiriir ah ugu deeqi doono hay’adaha samafalka dhammaan lacagta dheeraadka ah ee ka dhalata kororkiisa mushahar, haddii uu muddadaas sii ahaado Ra’iisul Wasaare.
Dowladda Singapore ayaa sidoo kale wax ka beddeshay mushaharka wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee siyaasadda.
Wasiirka ku jira heerka ugu hooseeya ee MR4, oo hadda tixraaca mushaharkiisu yahay qiyaastii S$1.1 milyan sanadkii, waxaa loo kordhinayaa ilaa qiyaastii S$1.2 milyan, iyadoo laga bilaabo 15-ka Oktoobar 2026 la sameyn doono koror hal mar ah oo gaaraya ilaa 9%, iyadoo qof kasta lagu salayn doono xaaladdiisa, waxqabadkiisa iyo waqtigii ugu dambeeyay ee mushaharkiisa la hagaajiyay.
Guddiga dib-u-eegista ayaa sidoo kale soo jeediyay in heerka tixraaca MR4 mustaqbalka laga dhigo S$1.8 milyan, balse dowladda ayaa caddeysay in tani aysan ka dhignayn in wasiir kasta si toos ah loo siin doono S$1.8 milyan. Mushaharka dhabta ah wuxuu ku xirnaan doonaa darajada, waxqabadka iyo masuuliyadda qofka.
Dowladda Singapore waxay ku doodaysaa in siyaasadda iyo maamulka dalka ay u baahan yihiin dad karti sare leh oo laga yaabo inay fursado dhaqaale oo aad u wanaagsan ka heli karaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Mas’uuliyiinta Singapore waxay tusaale u soo qaateen in qaar ka mid ah madaxdii shirkadaha waaweyn ay sannadkii helaan malaayiin doollar, sidaas darteed dowladda aysan doonayn in farqiga mushaharka uu noqdo mid aad u weyn oo ka hor istaaga dadka kartida leh inay siyaasadda soo galaan.
Nidaamka Singapore wuxuu mushaharka madaxda siyaasadda ku xiraa dakhliga dadka ugu mushaharka badan dalka, iyadoo mushaharka siyaasiyiinta laga jarayo qiime dhimis si loo muujiyo in adeegga dowladdu aanu ahayn shaqo ganacsi oo faa’iido lagu raadinayo.
Arrintan waxay si gaar ah u dhalin kartaa dood marka la barbardhigo xaaladda Soomaaliya.
Inkasta oo Soomaaliya ay tahay dal dakhligiisu aad uga hooseeyo kan Singapore, haddana waxaa muddo dheer jiray dood ku saabsan kharashaadka iyo mushaharrada madaxda dowladda iyo waxqabadka hay’adaha dowliga ah.
Marka la eego 2025 Corruption Perceptions Index ee Transparency International, Soomaaliya waxay heshay 9 dhibcood oo 100 ah, waxayna gashay kaalinta 181-aad ee 182 dal, taas oo ka dhigan in ay ka mid tahay dalalka ugu hooseeya qiimeynta musuqmaasuqa ee waaxda dadweynaha.
Halkaas ayay ka dhalanaysaa su’aasha weyn: haddii mushahar sare uu yahay hab lagu yareyn karo musuqmaasuqa, maxaa ka dhigay Singapore mid ka mid ah dalalka ugu nadiifsan dunida marka la eego musuqmaasuqa, halka dalal mushaharradoodu aad uga hooseeyaan ay weli la tacaalayaan musuqmaasuq baahsan?
Jawaabtu waxay u muuqataa in mushaharka oo keliya uusan ku filnayn la dagaallanka musuqmaasuqa.
Singapore waxay mushaharka sare ku dartay nidaam ballaaran oo ay ka mid yihiin hay’ado dowladeed oo awood leh, isla xisaabtan, sharci fulin adag, nidaamyo maamul oo hufan iyo kormeer joogto ah. Sidaa darteed, mushahar sare wuxuu noqon karaa hal qayb oo ka mid ah nidaamka, balse ma aha dammaanad keliya oo musuqmaasuqa lagu ciribtiri karo.
Isbarbardhigga labada dal wuxuu muujinayaa in doodda mushaharka siyaasiyiintu aysan ku koobnayn inta lacag ah ee qofku qaato.
Singapore waxay maanta sheegtay inay mushaharka sare u aragto maalgashi lagu sameynayo tayada hoggaanka iyo hay’adaha dowladda, halka Soomaaliya caqabadda ugu weyn ay tahay sida loo dhisi lahaa hay’ado awood u leh inay si dhab ah ula xisaabtamaan qof kasta oo ku takri-fala hantida dadweynaha.
Sidaas darteed, haddii Soomaaliya ay rabto inay ka faa’iideysato tusaalaha Singapore, casharka ugu muhiimsan ma aha oo keliya in mushaharka madaxda la kordhiyo; waxaa muhiim ah in mushahar kasta lagu lammaaniyo hufnaan, isla xisaabtan, kormeer maaliyadeed iyo ciqaab dhab ah oo ka dhan ah musuqmaasuqa.
Singapore lafteedu waxay sheegtay in mushaharka siyaasiyiintu aanu ahayn arrin lacag keliya ku saabsan, balse uu qayb ka yahay qaab-dhismeed lagu doonayo in lagu ilaaliyo tayada maamulka dalka.