Kulan looga hadlay Wacyigelinta Kansarka Naasaha oo lagu qabtay Isbitalka Dalmar
Kulan wacyigelin ah oo looga hadlayey halista iyo ka hortaga Kansarka ku dhaca Naasaha ayaa lagu qabtay Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar (Dalmar Specialist & teaching Hospital) ee Magaalada Muqdisho.
Kukankan ayaa qeyb ka ahaa Bisha Wacyigelinta Kansarka Naasaha oo ah olole caalami ah oo sanad kasta si gaar ah loo xuso bisha Oktoobar, si bulshada loogu baraarujiyo cudurka kansarka naasaha, calaamadihiisa, ogaanshaha hore iyo muhiimadda ay leedahay helitaanka daryeel caafimaad.
Waxaa kulankan ka qeyb galay dhaqaatiirta Isbitaalka Dalmar qaarkood, howlwadeeno ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha dalka iyo marti sharaf kale.
Madaxa qeybta cudurada haweenka ee Isbitaalka Dalmar Dr. Yasmin Shimbir oo munaasabadan ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay halista kansarka Naasaha iyo baahida loo qabo in lagu baraarugo.
“Kansarka haweenka haleela waxaa ugu badan kansarka ku dhaca Naasaha, waxaa kaalinta labaad ku jira kansarka ku dhaca minka, kan Saddexaad waa kansarka ku dhaca Mindhicirada iyo noocyo kale oo kansarka mid ah” ayey tiri Dr. Yasmin Shimbir.
Waxay intaas ku dartay in cudurka Kansarka uu sanadahan dambe ku soo badanayo dalka, iyadoo xustay in sanad kasta ay sidoo kale u dhintaan dad fara badan, waxayna bulshada gaar ahaan haweenka ugu baaqday in In isbeddel kasta oo naasaha ku yimaada si dhaqso ah loo ogaado, loona raadsado talo caafimaad.
“Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara Buro naaska ama kilkilaha ka soo baxda, isbeddelka qaabka naaska, ibta naaska oo gudaha u laabata, dheecaan aan caadi ahayn ama maqaarka naaska oo isbeddela. Haweenku waa inay kala tashadaan xirfadle caafimaad baaritaanka ku habboon da’dooda iyo heerka khatartooda Dadka la nool kansarka naasaha waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad, garab istaag iyo taageero bulsho” ayey intaas ku dartay Dr. Yasmin Shimbir.
Madaxa Caafimaadka ee Isbitaalka Dalmar Dr. Abdifatah Abdullahi Jama ayaa isna sheegay in bishan Oktoobar ay tahay bil sanad walba loo asteeyey caalamka oo dhan wacyigelinta kansarka Naasaha, sidaas awgeedna Isbitaalka Dalmar uu kaalintiisa ka qaadanayo sidii uu bulshada Soomaaliyeed uga wacyi gelin lahaa cudurkan halista
“Bishan waxaa loogu talagalay wacyigelinta burooyinka aa Kansarka naasaha oo dhbaato xooggan ku haya dunida, kaasoo saameeya dumarka iyo ragga labadaba, inkastoo uu dumarka ku badan yahay” ayuu yiri Abdifatah Abdullahi Jama oo bulshada ugu baaqay iney ka faa’ideystaan fursadaas qaaliga ah.
Dr. Abdullahi Jama ayaa sheegay in Cancerka naasaha uu ku dhici karo ragga, inkastoo ay tahay tiro xaddidan, marka loo eego haweenka, wuxuuna xusay in loo baahan yahay feejignaan.
Qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha kulankan ayaa su’aalo la xiriiray kansarka Naasaha weydiiyey dhaqaatiirta kulankaas soo xaadiray oo iyana si hufan uga jawaabay.
Ka soo qeyb galayaasha kulanka ayaa u mahad celiyey Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Dalmar sida ay had iyo jeer isaga xilsaaraan ka wacyigelinta bulshada cudurada halista ah, waxayna intaas ku dareen iney wax badan ka kororsadeen barnaamijkan wacyi gelinta ah ee looga hadlay kansarka naasaha, ayna la wadaagi doonaan bulshada aan nasiibka u helin.
HOOS KA DAALACO SAWIRADA
Follow the story
About this article
- Length
- 483 words · 2 min read
- Published
- October 25, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir