Haweenaydii 10’aad ee maydkeeda laga helay
AI summary
Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay meyd kale ka heleen xaafad ka tirsan Johannesburg, taasoo tirada haweenka halkaas meydkooda laga helay bilihii u dambeeyay ka dhigaysa toban.
Meydka ayaa la helay subaxnimadii Sabtida, waxaana aqoonsaday saaxiib ay fiidkii hore wada joogeen baar.
Taliyaha booliiska ee deegaanka ayaa sheegay in ciidamadiisu aysan meesha ka saari karin suurtagalnimada ah in uu jiro gacan-ku dhiigle – si is-daba-joog ah u gaysanaya oo weli baxsan, isagoo xusay isku ekaanshaha ka dhexeeya 10-ka dhimasho ee ka dhacay Ekurhuleni iyo mid kale oo ka dhacay Soweto.
Dilalkan ayaa dalka oo dhan ka dhaliyay caro iyo walaac xooggan oo ku saabsan baaxadda rabshadaha loo geysto haweenka dalka, kaas oo ka mid ah dalalka adduunka ugu sarreeya marka laga hadlayo rabshadaha ku salaysan jinsiga.
Meydka ugu dambeeyay ayaa laga helay qabuuraha ku yaalla xaafadda Tembisa, oo waqooyi-bari kaga beegan bartamaha Johannesburg.
Booliisku waxay wax yar kaddib soo saareen bayaan ay ku sheegeen in baarayaasha goobaha dambiyada ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo ururinayay caddaymo. Saraakiishu weli si rasmi ah uma aysan shaacin magaca qofka dhintay.
Saaxiibtii haweeneyda ayaa u sheegtay warbaahinta qaranka ee SABC inay aqoonsatay dharkii saaxiibteed ee ay xalay hore xiratay, markii sawir meydka ah loo tusay.
“Ma garanayo waxa aan carruurteeda u sheegi doono,” ayay tiri iyadoo ilmada iska tirtiraysa. “Waa xanuun badan.”
Bbc somali
Follow the story
About this article
- Length
- 219 words · 1 min read
- Published
- September 27, 2026
- Byline
- Qaran News
- Source
- Qarannews