Somaliland oo taageertay marin biyood ay hesho Itoobiya
Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay in Itoobiya ay hesho marin badeed, iyadoo ku adkaysatay in arrintaasi lagu gaari karo heshiisyo labada dhinacba dan u ah, isla markaana horseedi kara iskaashi iyo horumar dhaqaale oo ka hanaqaada gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii October 2026 ku sheegtay in Somaliland ay taageersan tahay qorshe kasta oo Itoobiya loogu oggolaanayo inay hesho marin badeed iyadoo loo marayo heshiisyo ay labada dhinac si wadajir ah uga wada faa’iideysanayaan.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in mowqifka dowladda Soomaaliya uu ka hor imanayo hadallada Muqdisho ee ku aaddan arrintan. Somaliland ayaa si gaar ah u dhaliishay ololihii dowladda Soomaaliya ay ka wadday heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixdeen sannadkii 2024.
“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.
Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inaysan aqbalayn faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto iskaashiyada ay aaminsan tahay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida dhinacyada heshiiska iyo danaha gobolka.
Arrintan ayaa dib u soo nooleynaysa murankii ka dhashay is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee January 2024, kaas oo Somaliland ay sheegtay inuu Itoobiya siinayo fursad ay ku hesho marin badeed.
Heshiiskaasi wuxuu sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo xooggan oo dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas si adag uga hortimid heshiiska, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharci ahayn iyo xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo dhuleednimada Soomaaliya.
Dhinaca kale, Somaliland waxay heshiiska u aragtay fursad dhaqaale iyo istaraatiiji ah oo ay ku xoojin karto xiriirka Itoobiya, isla markaana ay ku soo jiidan karto maalgashi iyo iskaashi caalami ah.
Hadalkan Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan sheegay in Soomaaliya aysan mabda’ ahaan diidnayn in Itoobiya ay hesho marin badeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay heli karto marin ay uga faa’iideysato dekedaha Soomaaliya, balse arrintaasi ay ku imaan karto heshiis ay labada dowladood si wadajir ah uga wada xaajoodaan, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida iyo danaha labada dal.
Sidaas darteed, labada dhinac waxay muuqaal ahaan isku raacsan yihiin hal qodob oo ah in Itoobiya ay u baahan tahay marin badeed, balse khilaafku wuxuu ku saabsan yahay cidda heshiiska lala gelayo, qaabka loo marayo iyo sharciyadda dhulka iyo dekedaha laga faa’iideysanayo.
Mowqifka Somaliland wuxuu arrintan ku saleysan yahay inay isu aragto dhinac awood u leh inuu heshiisyo caalami ah la galo Itoobiya, halka dowladda Soomaaliya ay ku adkaysanayso in arrimaha la xiriira dhulka iyo xeebaha Soomaaliya lagu maamulo iyadoo la ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Arrintan ayaa weli ah mid xasaasi ah oo saameyn ku leh xiriirka Soomaaliya, Itoobiya iyo Somaliland, gaar ahaan iyadoo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay noqdeen goobo istaraatiiji ah oo ay ku tartamayaan dalal badan oo gobolka iyo quwadaha caalamka ah.
Follow the story
About this article
- Length
- 493 words · 2 min read
- Published
- October 4, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir