Nabadoon Ganacsade Axmed Yusuf Haameey ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xilli uu ku sii jeeday masaajid si uu u soo tukado salaadda Maqrib.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay rasaas dhowr ah ku fureen nabadoonka, kaddibna ay goobta isaga baxsadeen, waxaana ilaa hadda la sheegayaa in aan la hayn cid si rasmi ah loogu soo qabtay falka.
Nabadoon Axmed Yusuf Haameey ayaa ka mid ahaa nabadoonnada deegaanka, waxaana uu ka soo jeeday bulshada Puntland ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo. Dilkiisa ayaa durba walaac iyo hadal-heyn ka dhaliyay magaalada, iyadoo dadka deegaanka ay dalbanayaan in si degdeg ah loo baaro dhacdada.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dilka loo malaynayo inuu xiriir la leeyahay aano qabiil, hase yeeshee illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay sababta ka dambeysay dilka ama cidda soo abaabushay.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan dilka, iyagoo isku dayaya inay gacanta ku dhigaan kooxihii ka dambeeyay falka iyo in la ogaado sababta dhabta ah ee loo beegsaday nabadoonka.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Gaalkacyo ay horey uga dhacayeen falal amni-darro iyo dilal salka ku haya khilaafaadyo iyo muranno bulshada dhexdeeda ah, kuwaas oo mararka qaar loo aaneynayo aanooyin qabiil.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanka socda, halka bulshada Gaalkacyo looga digayo inay ka fogaadaan falal aargoosi ah oo sii kordhin kara xiisadda iyo amni-darrada magaalada.