Liibaan Shuluq oo Wareegtadii u horeysay soo saaray Doorashadiisii ka dib
Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug Liibaan Axmed Xassan ( Liibaan Shuluq) ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu magacaabay Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, iyadoo guddiga loo xilsaaray diyaarinta iyo isku dubbaridka hawlaha la xiriira munaasabadda. Wareegtada oo uu xafiiska hoggaamiyaha Galmudug soo saaray 24-ka Oktoobar 2026, laguna […]
Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug Liibaan Axmed Xassan ( Liibaan Shuluq) ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu magacaabay Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, iyadoo guddiga loo xilsaaray diyaarinta iyo isku dubbaridka hawlaha la xiriira munaasabadda.
Wareegtada oo uu xafiiska hoggaamiyaha Galmudug soo saaray 24-ka Oktoobar 2026, laguna diiwaangeliyey Xeer Hoggaamiye Lr. 001, ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay salka ku hayso qodobbada 48aad, farqadihiisa 1aad iyo 3aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban 15 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Abshir Maxamed Axmed, halka Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac loo magacaabay guddoomiye ku-xigeen. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooleey) ayaa isna loo magacaabay xoghayaha guddiga.
Xubnaha kale ee guddiga waxaa ka mid ah Bashiir Maxamuud Jaamac Goobe, Cumar Cali Cabdi, Ilyaas Sheekh Axmed, Raysal Qorane Abshir, Dayax Axmed Omar, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar, Faadumo Cabdi Cali (Faandhe), Xuseen Axmed Culusow, Maxamed Xuseen Abuuukar (Awliyo), Daahir Maxamuud Maxamed (Geesawayne), Xabiib Birmad Cigaal iyo Cumar A. Shido.
Sida ku cad wareegtada, guddiga waxaa loo xilsaaray diyaarinta qorshaha guud iyo jadwalka munaasabadda caleema-saarka, isku dubbaridka goobta munaasabadda, hab-maamuuska, barnaamijyada iyo nidaamka martiqaadka.
Waxa kale oo guddiga laga doonayaa inuu diyaariyo liiska martida iyo isku dubbaridka ka-qaybgalka mas’uuliyiinta dowladda iyo martida kale, isla markaana xaqiijiyo amniga goobta munaasabadda iyo badbaadada dadka ka soo qaybgalaya.
Wareegtadu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in guddigu diyaariyo miisaaniyad faahfaahsan oo muujinaysa kharashaadka la filayo iyo ilaha maalgelinta, si loogu gudbiyo Hoggaamiyaha Galmudug loona ansixiyo.
Waxaa intaas dheer in guddiga laga doonayo inuu la shaqeeyo hay’adaha dowladda federaalka iyo hay’adaha kale ee ay khusayso fulinta hawlaha caleema-saarka, hubiyo in kharashaadka lagu bixiyo habraacyada maaliyadeed ee dowladda, isla markaana soo gudbiyo warbixin kama dambays ah oo faahfaahinaysa hawlihii la qabtay, kharashaadkii baxay iyo natiijadii munaasabadda.
Wareegtada ayaa si gaar ah u qeexday waajibaadka guddoomiyaha guddiga, kaas oo mas’uul ka noqonaya hoggaaminta iyo isku dubbaridka hawlaha guddiga, qabashada kulamada iyo xaqiijinta fulinta go’aannada la gaaro.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale loo xilsaaray inuu hoggaanka Galmudug u gudbiyo warbixinnada horumarka shaqada iyo arrimaha u baahan go’aan ama taageero dheeraad ah.
Xoghayaha guddiga ayaa dhankiisa mas’uul ka noqonaya diyaarinta ajandayaasha kulamada, qorista go’aannada, kaydinta dukumentiyada iyo waraaqaha rasmiga ah, iyo isku dubbaridka warbixinnada guddiga.
Magacaabistan ayaa ah tallaabo maamul oo lagu diyaarinayo munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Galmudug, iyadoo guddiga cusub laga sugayo inuu isku dubbarido dhinacyada hab-maamuuska, amniga, dhaqaalaha iyo ka-qaybgalka martida.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
Screenshot Screenshot Screenshot
Follow the story
About this article
- Length
- 402 words · 2 min read
- Published
- October 24, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir