Himilo Qaran oo ka digtay xiisad cusub oo ka dhalata Muqdisho.
Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka digay in xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho ay isu beddesho xiisad cusub iyo iska horimaad.
Xisbiga ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo waxa uu ku tilmaamay abaabul ciidan, xasarad abuur iyo tallaabooyin lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka. Waxa uu dowladda Federaalka ugu baaqay inay ka fogaato tallaabo kasta oo carqaladeyn karta wadahadallada siyaasadeed.
Himilo Qaran ayaa sidoo kale uga digay saraakiisha iyo ciidamada dowladda inay qaataan amarro, sida uu sheegay, ka baxsan dowladnimada oo lagu beegsanayo mucaaradka.
Hadalkan ayaa soo baxay xilli ay jiraan warar sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheynayso in hubka laga dhigo kooxaha mucaaradka hubaysan ee ku sugan Muqdisho.
Bartamihii sanadkan ayay Muqdisho ka dhaceen iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamo taabacsan mucaaradka iyo ciidamada dowladda, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu mar kale isu beddelo dagaal.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashada dalka, isaga oo sheegay in wadahadal iyo heshiis siyaasadeed ay yihiin jidka ugu habboon ee looga hortagi karo qalalaase hor leh.
Follow the story
About this article
- Length
- 193 words · 1 min read
- Published
- October 11, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir