Askari aano qabiil loo dilay
Marxuum Axmed Shire Xuseen oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay aano qabiil loogu dilay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Marxuumka oo ka yimid deegaanka Raage Ceelle, kuna sii jeeday degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa jidka u galay maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Abgaal.
Marxuumka waxaa la sheegay in uu fasax ka soo qaatay taliska uu ka tirsanaa, islamarkaana uu xanuunsanayay.
Maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa muuqaaal ka duubay askari, ka hor inta aysan dilin, kaas oo ay ku faafiyeen baraha bulshada.
Dhacdadan foosha xun ayaa ku soo aadeysa xilli deegaanno ka tirsan xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay mararka qaar ka dhacaan dagaal beeleed dad badan ku dhintaan.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin falkan ama wax tallaabo ah ka qaadin.
PUNTLAND POST
Follow the story
About this article
- Length
- 138 words · 1 min read
- Published
- September 10, 2026
- Byline
- Desk
- Source
- Puntlandpost