Maraykanka oo sharaxay wararka la xiriira ka bixidiisa Balidoogle.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo wararka sheegaya in ciidamadiisu ay isaga baxeen saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah xarun muhiim u ah howlgalada milatari ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya. “Si loo ilaaliyo amniga howlgalada, kama hadalno faahfaahinta howlgalada socda,” ayuu afhayeen u hadlay AFRICOM u sheegay wargeyska […]
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo wararka sheegaya in ciidamadiisu ay isaga baxeen saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah xarun muhiim u ah howlgalada milatari ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.
“Si loo ilaaliyo amniga howlgalada, kama hadalno faahfaahinta howlgalada socda,” ayuu afhayeen u hadlay AFRICOM u sheegay wargeyska Stars and Stripes.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in talisku uu ciidamadiisa dib ugu kala meeleynayo goobo lagu xoojinayo howlgalada socda ee la-dagaallanka argagixisada.
Jawaabta AFRICOM ayaa timid maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Mareykanka ay saldhigga Ballidoogle ka baxeen. Ilo-wareedyo laga soo xigtay wararkaasi ayaa sheegay in ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ay la wareegeen saldhigga kaddib bixitaanka Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga tirada ciidamada la sheegay inay baxeen, goobaha loo wareejiyey iyo in tallaabadani ay qeyb ka tahay isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo joogitaanka milatari ee Mareykanka ee Soomaaliya.
Saldhigga Ballidoogle oo qiyaastii 100 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa muddo dheer door muhiim ah ka soo qaatay howlgalada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan ururinta xogaha sirdoonka iyo tababarka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa 28-kii Sebteembar saldhigga Ballidoogle kaga qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 12-aad ee ciidamada Danab, sida uu xilligaasi sheegay xafiiskiisa.
Tababarka ciidamadaas ayaa diiradda lagu saaray xeeladaha dagaalka, gurmadka iyo daaweynta dhaawacyada goobaha dagaalka, xirfadaha farsamada iyo shuruucda caalamiga ah ee khuseeya colaadaha hubeysan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada ay siiso ciidamada Danab, isaga oo iskaashiga labada dal ku tilmaamay mid muhiim u ah dhismaha iyo tayeynta ciidanka. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey qorshaha dowladda ee ah in ciidamada Soomaaliyeed ay mustaqbalka si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Follow the story
About this article
- Length
- 296 words · 1 min read
- Published
- November 5, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir