Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Baaqa Ankara uu yahay heshiiska hadda hagaya xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo hoos u dhigtay muhiimadda doodda ku saabsan in is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee Janaayo 2024 uu weli sharci ahaan jiro iyo in kale.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in heshiiskii ay Ankara ku gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed bishii December 2024 uu dejiyey hannaan cusub oo lagu maareynayo xiriirka labada dal, gaar ahaan arrinta Itoobiya ay dooneyso inay ku hesho marin ay uga gudubto badda.
Cali Balcad, oo wareysi siiyey wargeyska Sacuudiga ka soo baxa ee Asharq Al-Awsat, ayaa sheegay in Baaqa Ankara uu labada dhinac ku adkeeyey ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada, xornimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
“Uma arko inay jirto baahi waqti badan lagu bixiyo doodda ah in heshiiskii hore la hakiyey ama uu dhintay,” ayuu yiri Cali Balcad, isagoo tixraacaya is-afgaradkii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024.
Sida uu sheegay Wasiiru-dowluhu, heshiiska Ankara wuxuu Itoobiya u oggolaanayaa inay raadiso marin ganacsi oo ay badda ku gaarto, balse heshiis kasta oo arrintaas lagu hirgelinayo waa inuu ku yimaadaa wada-xaajood iyo heshiis ay labada dowladood gaaraan, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhaliyey xiisaddii ugu weyneyd ee diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo wajahda muddo sanado ah. Muqdisho ayaa si adag uga hortagtay heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo dhuleednimada Soomaaliya.
Baaqa Ankara ee December 2024 ayaa markii dambe noqday saldhigga dib loogu bilaabay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in arrinta marin-badeedka Itoobiya lagu xalliyo hannaan heshiis ah oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.
Hadalka Cali Balcad ayaa muujinaya in Muqdisho ay hadda xoogga saareyso Baaqa Ankara iyo heshiisyada ka dhasha wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, halkii ay doodda ugu weyn ka dhigi lahayd xaaladda sharciyeed ee is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland.