Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag u cambaareeyay duqeyntii xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu dhaawacay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub” iyo xubno kale oo qoyskiisa ah.
Khayre ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ay fulisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu ku tilmaamay dhacdada mid “ayaandarro iyo dhaqan ugub ku ah dowladnimada Soomaaliya”, isagoo dowladda ku eedeeyay inay hub iyo diyaarado loogu deeqay Soomaaliya oo loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada u adeegsanayso khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.
“Ma aha in hubkii iyo diyaaraddii loogu talagalay la-dagaallanka argagaxisada loo adeegsado madaxdii iyo saraakiishii hore ee qarankan,” ayuu Khayre ku sheegay qoraalkiisa, isagoo cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay duqeyn lagu qaaday hoyga Jeneraal Mahad Shub.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in taariikhda Soomaaliya ay muujisay in khilaafaadka siyaasadeed aan lagu xallin karin dagaal, ismaquunin ama ku-takri-fal awoodeed.
Khayre ayaa ka digay in haddii khilaafaadka siyaasadeed loo adeegsado awood ciidan, ay Soomaaliya wajahdo khasaarooyin cusub, kala fogaansho bulsho iyo xasillooni-darro amni.
“Soomaaliya maanta uma baahna hurinta dagaallo siyaasadeed oo dalka iyo dadka u horseeda khasaaro hor leh, kala-fogaansho bulsho iyo xasillooni-darro amni,” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka ay ka jiraan khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka taagan qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xalka xaaladda siyaasadeed ee dalka uusan ahayn dagaal, balse uu yahay wadahadal iyo heshiis siyaasadeed.
Wuxuu ku baaqay in la helo wadahadal dhab ah, is-afgarad siyaasadeed iyo hannaan dalka loogu diyaariyo doorasho loo dhan yahay, hufan, xor iyo xalaal ah, taas oo ay dhammaan dhinacyada Soomaalidu heshiis ku yihiin.
Khayre wuxuu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay hoggaan haysta sharciyad buuxda iyo kalsoonida shacabka, isagoo ku adkeystay in arrintaas lagu gaari karo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
Hadalkan Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii Doolow.
Dowladdu waxay sheegtay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amniga ay tilmaamayaan in qaraxyadu ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga, waxayna sheegtay inay magacaabayso guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya dhacdada.
Sidaas darteed, eedeynta Khayre ee ah in Dowladda Federaalka ay duqeynta fulisay waxay ka hor imaanaysaa sheegashada rasmiga ah ee dowladda, iyadoo xaqiiqda dhabta ah ee dhacdada ay weli ku jirto baaritaan.
Duqeyntii Doolow ayaa noqotay dhacdo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyada mucaaradka iyo Jubaland ay Dowladda Federaalka iyo Turkiga ku eedeeyeen weerarka, halka dowladda ay si buuxda u diidday inay wax lug ah ku leedahay.
Waxaa hadda indhaha lagu hayaa natiijada baaritaanka dowladda iyo haddii ay soo baxaan caddeymo madax-bannaan oo lagu xaqiijin karo cidda fulisay weerarka iyo sababta loo bartilmaameedsaday guriga Jeneraal Mahad Shub.