Trump oo kumanaan askari oo dheeraad ah u diraya Bariga dhexe
Warbaahinta Fox News ayaa waxay qortay in Maraykanka uu soo diri doono ilaa 10,000 oo Askar dheeraad u soo diri doona Bariga Dhexe.
Ciiddanka la soo dirayo ayaa waxay isugu jiraan Badmaaxiin, Marines waxaa wehliya Markabka Diyaaradaha xambaarta ee The USS Theodore Roosevelt Aircraft.
Daabulista Ciiddankaasi waxay ku soo beegantay iyadoo Madaxweyne Trump lagu soo waramay inuu ka baaraan degayo Cusbooneysiinta Duqeymo ka dhan ah Jamhuuriyada Islaamka ee Iiraan.
Warbaahinta Fox News waxay labo Sarkaal oo Maraykan ah ka soo xigtay in Ciiddankaasi la rajeynayo inay dabayaaqada bisha soo socota gaaraan Xeebaha Mandiqada Bariga Dhexe.
Ciiddanka loo soo diri soono Bariga Dhexe waxay kaloo wataan Koox maraakiibta wax duqeeya iyo Markab nooca Berri-biyoodka oo ay la socdaan Ciiddanka Mariniska iyo Badmaaxiin kale.
Daabulistan waxa uu tirada ka dhigayaa Markabkii Saddexaad oo Diyaaradaha xambaarta oo ku sugan Mandiqada Bariga Dhexe.
Horey waxaa ugu sugnaa Maraakiibta kala ah the USS George H.W. Bush iyo USS George Washington.
Dhanka kale, Wareyska The Wall Street Journal waxa uu soo weriyey in qorshaha Xoojinta Ciiddanka Maraykanka lagu dari doono tirada u dhexeyso 9,000 ilaa 10,000 oo Askari.
Wararka Daad-gureynta Kumanaanka Kun ee ciiddanka Maraykanka waxay ku soo beegantay iyadoo Madaxweyne Trump miisaamayo ama qiimeynayo Tallaabada Milliteri ee dheeraadka ah ee ka dhanka ah dalka Iiraan, xilli ay soo dhawdahay Doorashooyinka Xilliga Dhexe ee bisha November ka dhici doonta Maraykanka.
Si kastaba, Tirada Ciiddanka Maraykanka horey uga joogay Bariga Dhexe waxay ku dhow yihiin Qiyaas ahaan 50,000 oo askari, iyadoo Ciiddanka dheeraadka ay sii ballaarin doonaan Xulashooyinka Milliteri ee Maamulka Madaxweyne Trump ee Dagaalka ka dhanka ah Jamhuuriyada Islaamka ee Iiraan.
Follow the story
About this article
- Length
- 265 words · 1 min read
- Published
- October 21, 2026
- Byline
- Ali Abdi
- Source
- Allbanaadir