Aniga oo ah Axmed Maxamuud Cismaan, deggan magaalada Boosaaso, waxaan doonayaa inaan la wadaago ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland, arrin iga qabsatay E-Visa-ha dalka ka jira.
Waxaan haystaa baasaboorka dalka Holland oo aan muddo ku noolaa, laakiin tobankii sano ee dambe waxaan ku noolahay dalka hooyo. Labo bilood ka hor ayaan booqasho gaaban ku tegay dalka Holland. Safarada dalka dibeddiisa waxaan ku maraa baasaboorka waddanka aan kor ku xusay, garoonka diyaaradaha markaan ka soo dego waxaa layga qaadi jiray lacag.
Taariikhdu markay ahayd 24 Agoosto 2026 ayaan safar ku soo aaday dalkeyga, meesha aan ka soo tegayna waa garoonka diyaaradaha ee “Schiphol” dalka Holland, waxaan haystay “Ticket online.” Waxaa lay weydiiyey inaan haysto Visa iyo inkale. Waxaan u sheegay inaanan haysan Visa, laakiin aan waqtiyadii dambi aan ku noolahay Soomaaliya oo degganahay (Residence), waana tusay warqaddii degganaashaha. Waxaan intaas ku daray Visaha waxaan qaadanayaa marka aan tago dalkii hooyo (Visa on arrival). Dood kadib, waa lay fasaxay inaan diyaaraddii raaco. Waxaan “Transit” ku ahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Rome, dhulka Talyaaniga. Saacaddu markay ahayd 10kii habeenimo ee fiiidnimo ayaa la bilaabay in rakaabkii koro diyaarad laga leeyahay Ethiopia. Nasiib daro, aniga waa layga reebay diyaaraddii, sababtoo ah arrintii Visa-ha. Lama dhegeysan wixii aan u sheegay. Waa la soo celiyey wixii shandado ah oo aan watay; habeenkii oo dhan waxaan joogay garoonka diyaaradaha gudihiisa, aniga oo runtii aad u niyad xun, kana xun waxa igu qabsaday meesha.
Subaxdii oo ay taariikhdu ahayd 25kii Agoosto ayaan raacay gaadiika (baska) oo aan aaday magaalada Rome. Qof kasta wuu fahmi karaa culayska shandadaha oo aad keli ku tahay, raadinta meel aad seexatid, iyo adigoo aan xitaa musqul gelikarin, waayo yaad uga tagtaa shandadaha? Aniga oo kaashanaya dad Soomaali ah waxaan helay Hotel aan habeenkii seexdo. Waqtigaas ma seexan muddo 40 saac ah! Inkastoo aan aad u daalanaa waxaan xiriir la sameeyey xafiis ku yaal Xamar oo qaabilsan arrinta Visa-ha oo aan ka helay “Internet-ka.” Nasiib wanaag qofkii aan la xiriiray ayaa iigu dhammeeyay waqti kooban visa-ha, kadib markii aan bixiyey lacagtiisa. Waxaan aad ugu mahadinayaa qofkaas shaqaalaha ah oo aanan magaciisa aqoon laakiin si xilkasnimo leh wax iila qabtay. Habeenkii si fiican baan u seexday, daal awgiis. 26 dii Agoosto ayaan tegay xafiis ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia. Wixii aan la kulmay baan uga warramay. Waxay ii sheegeen in habeenkaas diyaaradii baxayso, laakiin ilaa Garowe ay suurtagal tahay. Bosaaso suurtgal ma aha maalintaas ayey ii sheegeen.
Waxay intaas iigu dareen in Ticket-kii lacag dhan $250 doolar lagu daray oo ay tahay inaan bixiyo. Ma dariiq kale baa ii furan? Waa maya.
27dii Agoosto ayaan ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garowe. Shaqaalihii qaabilsanaa arrimaha baasaboorada waxay i warsadeen inaan bixiyo lacagtii Visa-ha. Markaas waxaan tusay tii dawladda dhexe ee dantu igu kaliftey inaan samaysto, waana la socodsiiyey wixii iga raacay. Dheg iyo jalaq leymasiin. Waxay i yiraahdeen ama lacagta bixi ama baasaboorka ku siinmayno. Lacagtii waa bixiyey, ma wado kale baa ii furan? Arrintan dad badan oo Soomaali ah baa la kulma.
Haddaba, waa su’aalee: Arrintani xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ma ku tahay xadgudub iyo meel ka dhac? Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada dhexdooda in muwaadinku xaqiisa ku waayo ma saxbaa? Waxaan hubaa inay jiraan xuquuq badan oo uu muwaadinka Soomaliyeed ku waayo wada shaqeen la’aanta ka jirta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Adduun iyo aakhiroba dadka masuulka ka ah labadaas maamul ayaa lagula xisaabtamayaa. Shacabka Soomaliyeed wax ma ka qaban karaan arrintaan? Haa. Waxaan soo xasuustay gabyaagii carabka ahaa oo aan filayo inuu u dhashay dalka Maqrib, ee yiri, “Haddii shacab maalin nolol doono, qadarka illaahay waa ogolaadaa.”
Ugu dambeystii, waxaan halkaan ku lifaaqayaa labada Visa ee lacagtooda aan bixiyey: Tan Dawladda Dhexe iyo tan dawlad goboleedka Puntland.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Dr Axmed Maxamuud Cismaan