Muxuu yahay shirka deg dega ah ee uu gudoomiyay wasiirka 1aad ee Xukumadda Soomaaliya?
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha (SIPE), tan iyo markii si rasmi ah loo aasaasay.
Kulanka waxaa ka qeyb galay wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaliyadda, dowlad-goboleedyada iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin WHO, UNICEF, Gavi, Africa CDC iyo Gates Foundation.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta tallaalka carruurta, ciribtirka cudurka dabaysha, xoojinta adeegyada caafimaadka iyo kordhinta maalgelinta gudaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku adkeeyay hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah muhiimadda isla xisaabtanka, isagoo sheegay in dhaqaalaha tallaalka loo qoondeeyo uu keeno natiijo muuqata, isla markaana tallaalku gaaro dhammaan carruurta Soomaaliyeed.
Shirka ayaa lagu ansixiyay qorshe-hawleed lix bilood ah oo lagu qeexay waajibaadka hay’adaha kala duwan iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo tallaalka iyo ciribtirka cudurka dabaysha.
Follow the story
About this article
- Length
- 132 words · 1 min read
- Published
- November 4, 2026
- Byline
- Ayub
- Source
- Allbanaadir